Hoggaamiyihii Labaad Ee Afrikaan ah Ee qaadacay shirka EU-AU

SouthAfrica (SLPOST)Madaxweynaha Koonfur Afrika Jacob Zuma ayaa noqonaya hoggaamiyihii labaad ee qaadaca shirka maalinta berri ah ee Arbacada ka furmaaya xarunta Midowga Yurub ee Brussels dalka Biljimka.

SAFRICA-SADC-POLITICS-MADAGSACR

                      (Photo credit should read Unati Ngamntwini/AFP/Getty

War rasmi ah oo ka soo baxay Koonfur Afrika ayaa lagu sheegey in Zuma aanu ka qaybgelyn shirka Midowga Yurub iyo Midowga Afrika u furmaaya, waxaana beddelkiisi tegeysa gabadha ah Wasiirka Iskaashiga iyo Xidhiidhka Caalamiga Maite Nkoana-Mashabane.

“Waxaan naloo sheegayaa cidda imaaneysa shirka iyo cidda aan imaan karin”, waa qalad waxaan nahay dowladdu siman oo laba qaaradood kala metalaya, maahan xiligii mid ay u go’aamin lahayd tan kale waxay doonto ayuu yidhi ZUMA.

Madaxweynaha dalka Zimbabwe Robert Mugabe ayaa maalintii Axadda sheegey in aanu shirkaas ka qaybgalay, sababtuna waa xaaskiisa oo dal ku galkii Biljimka loo diidey, waxaana ay ka mid tahay dalal Midowga Yurub ay go’aansadeen in aaney  soo geli karin Midowga Yurub. Mugabe ayeyse u shegeen in isaga oo keliya shirka iman karo

Sidoo kale Midowga Yurub ayaa shirka u diidey in ay ka qaybgalaan waddan Midowga Afrika iyo Qaramada Midoobeyba dal ahaan u aqoonsan yahay kaas oo ah Sahrawi Arab Democratic, waxaana Midowga Yurub ku raaligelinayeen arrintan dalka Marooko.

Sidoo kale Midowga Yurub ayaa casumey dalka Masar oo si kumeelgaadh ah looga saarey Midowga Afrika. Dalka Suudaan ayaa shirka Midowga Yurub iyo Midowga Afrika lagu casumey Madaxweyne ku-xigeenka Suudaan, waxaana loo diidey in al-Bashiir shirkaas ka qaybgalo.

Dhanka kale dalka Kenya ayaa iyaguna warqad cabasho ah u direy Bruseles taas oo ay kaga cabanayaan in dalkugal-kii (Visa) loo diidey madaxa amniga Madaxweyne Uhuru Kenyatta. Kenya kuma hanjabin in ay shirka qaadacayaan, laakiin waxay ku gaabsadeen warqadda cabashada ah.

Madaxweynaha Koonfur Afrika Jacob Zuma ayaa sheegay in aanu ka  ka qaybgalayn shir dad la mid ah ay la yeelayaan isla markaana laga hadlaayo ganacsi iyo Iskaashi, kaas oo dhinac doonayo cidda ka qayb-qaadeneysa Madaxda Afrikaanka in ay iyagu go’aamiyaan.

Shirka Midowga Afrika iyo Midowga Yurub ayaa diiradda lagu saarayaa, Maalgashiga iyo Iskaashiga ganacsiga. Dalalka Shiinaha, Midowga Yurub oo muddooyinkii danbe la daaladhacayey dhaqaale xumo iyo shaqo la’aan baahsan oo ku habsatey qaar kamid ah dalalka Midowga ku jira ayaa looga dheereeyey qaaradda dihin ee Afrika, waxaana maalgashiga, iskaashiga ganacsiga kaga horeeya dalalka Shiinaha, Maraykanka iyo Turkiga.

Tan iyo hadda 41 dal oo Afrikaan ah oo kamid ah 48 dal ii Muidowga Afrika ku jira ayaa hoggaamiyaashoodu ka qaybgalayaan shirka.

Shirkan labada qaaradood dhex, maraya ayaa socon doona muddo laba maalmood ah,

Somalilandpost.net

Hargeysa/Somaliland