Hoggaamiyihii Hore Ee Cuba Fidel Castro Oo Geeriyooday

(SL.Post) Hoggaamiyihii hore ee dalka shuuciga ah ee Cuba Fidel Castro ayaa geeriyooday xalay wakhti dambe.

131210162557-fidel-castro-story-top

Castro ayaa da’diisu ahayd 90 sanno jir. Talefishinka qaranka ee Cuba ayaa shaaciyay geeridiisa.

Hoggaamiyehaasi wuxuu ahaa mid ka mid ah hoggaamiyeyaasha muranka ka dhaliyay caalamka wakhtigii uu ka talinaayay dalkaa. Wuxuu ka badbaaday marar badan khaarajin la doonayay in lagaga takhaluso.

Maraykanka ayaa shirqoolada la damacsanaa in lagu khaarajiyo inuu ka dambeeyay lagu eedeeyay. Marar badan oo kale ayaa isagoo oon dhiman inuu dhintay las oo tebiyay.

Haatan ayaa waxa lagu soo waramayaa inuu u dhintay xanuun ba’an oo muddo dheer uu la il darnaa.

Hoggaamiyahaa ayaa dalalka soo koraya muddo dheer ku faafinaayay shuuciyada ama hantiwadaagga.

Dalkaasi Cuba ayaa haatan waxa Madaxweyne ka ah walaalkii Raul Castro.

 

Somalilandpopst.net