Hoggaamiyeyaasha Israel iyo Sudan oo kulan ku Dhexmaray dalka Uganda

 

Entebbe (SLpost)- Raysal-wasaaraha dalka Israa’iil, Benjamin Netanyahu, ayaa la kulmay hoggaamiyaha dawladda ku meelgaadhka ah ee dalka Sudan Abdel-Fattah Burhan, waxaana la sheegay in kulankan uu bilaw u yahay soo-nooleynta xidhiidhka labada dhinac.

Kulanka labada hoggaamiye oo ka dhacay dalka Uganda, waxa ku wehelinayey madaxweynaha dalkaas Yuweri Museveni oo isagu kulanka marti-galiyey.

“Waxaanu isku waafaqnay in aanu bilawno wadashaqayn nagu hoggaamisa in aan caadi ka dhigno xidhiidhka u dhexeeya labada dal taariikh ahaan!”, waxa sidaas yidhi Netanyahu oo bartiisa twitter-ka soo dhigay kulanka ka dib.

Dhinaca kale  Raysal Wasaare Netanyahu ayaa la kulmay Madaxweynaha Uganda President Yoweri Museveni, oo dalkiisa uu ku soo booqday, waxaana socdaalkan la sheegay inuu yahay kii shanaad ee uu dalkaasi Uganda uu ku yimaado saddexdii sano ee la soo dhaafay.

Sidoo kale Netanyahu walaalkii ayaa ku geeriyooday dalka Uganda 1976-kii intii lagu gudo jiray soo samatabixintii dadkii Israeliyiinta ahaa lagu afduubay garoonka diyaaradaha ee Entebbe.

Labada hogaaamiye oo shir jaraa’id oo wada jir ah qabtay ayaa Raysal Wasaaraha Israel waxxa uu ka codsaday in Uganda ay Safaaradd ka furato magaalada Barakaysan ee Qudus, Israelna ay safaarad ka furan doonto Uganda, hase yeeshee Madaxweynaha dalka Uganda ayaa sheegay inuu ka fiirsan doono inay Safaaradd ka furtaan Qudus iyo in kale.

Somalilandpost.net