Hoggaamiyeyaasha Afrika oo ka Qayliyey Afgembiyada Milatariga oo Soo Badanaya

Addis Ababa (SLpost)- Hoggaamiyeyaasha Qaaradda Afrika, ayaa cabasho xooggan ka muujiyey mowjado Af-gembiyo Milatari ah oo sannadkii hore si is-daba-joog ah uga dhacay qaaradda Afrika, taas oo sababtay in xubinimada Ururka Midowga AFrika laga saaro waddamada inqilaabka Milatari ka dhacay.

Tirada Afgembiyada Milatari ee Qaaradda Afrika waxa ku yimi hoos-u-dhac la dareemi-karo, iyadoo ay qaaradda ka taabba-galeen doorashooyinka iyo Xukunka oo si nabadgelyo ah loola kala wareego.

Shirka Ururka Midowga Afrika 2022
Shirka Ururka Midowga Afrika 2022

Dalalka Burkina Faso, Guinea, Mali iyo Suudaan waxa sannadkii hore ka dhacay Afgembi Milatari, taasina waxay ay sababtay inaanay dalalkani ka qayb-galin shirka madaxda waddamada Afrika uga socda magaalada Addis Ababa ee dalka Ethiopia.

Toddobaadkii hore waxa Isku-day Af-gembi oo dhicisoobay ka dhacay dalka Guinea-Bissau, iyadoo madaxweynaha dalkaasi ku eedeeyey inay ka dambeeyeen kooxo budhcad ah oo maandooriyeyaasha ka ganacsada.

Waddankan ku yaalla Galbeedka Qaaradda Africa, ayaa marin u noqday Ganacsiga Maandooriyaha xashiishadda ee laga keeno dalalka Latin America ee loo iib-geeyo suuqyada qaaradda Yurub.

In kasta oo Shacabka dalalka Galbeedka Africa soo dhaweeyeen Afgembiyada ka dhacay dalalkooda, haddana waxa si weyn looga qayliyey inqilaabka Milatari ee ka dhacay dalka Suudaan oo sababay inay shacabka bannaan-baxyo ka sameeyey jidadka magaalooyinka waaweyn, iyagoo dalbanayay in xukunka lagu wareejiyo dowlad rayid ah, taasina waxa ay galaafatay nolosha dad badan oo Shacab ah iyadoo milatari xoog u adeegsadeen bannaan-baxayaasha.

Madaxa Golaha Nabadda iyo Xasiloonida ee Midowga Afrika, Bankole Adeoye, ayaa saxaafadda u sheegay in mid kasta oo ka mid ah madaxda dalalka Afrika ee shirka ka qayb-galay ay si aan gabbasho lahayn u cambaareeyeen Inqilaabyada Milatari ee qaaradda Afrika, waxaanu sheegay inaan loo dul-qaadan doonin dowladaha xukunka ku qabsada Inqilaabka Milatari.

Waxa uu Mr Adeoye sheegay in Ururku joojiyey wada-shaqaynta dalalka Burkina Faso, Guinea, Mali iyo Sudan, haseyeeshee, waxa ururka AU lagu dhaliilay sababtay ay xubinimada ururka uga joojin waayeen waddanka Chad ee ku yaalla badhtamaha Afrika oo Milatarigu xukunka la wareegay kaddib markii bishii April ee sannadkii hore la dilay madaxweynihii dalkaas Idriss Deby xilli uu dagaal kula jiray Malleeshiyaad mucaarad ku ahaa xukuumaddiisa.

Golaha Milatariga dalka Chad ayaa madaxweynaha dalka Chad u magacaabay wiil uu dhalay madaxweynaha geeriyooday oo lagu magacaabay Maxamed.

Inqilaabyada Milatari, ayaa markii u horeysay ka bilaabmay qaaradda Afrika sannado kooban kaddib markii ay madax-bannaanida qaateen waddamo badan oo African ah sannadihii Lixdamaadkii oo ahaa sannadihii ay qaaradda Afrika ka dhaceen Inqilaabyadii Milatari ee ugu badnaa.

Labaatankii sanno ee u dambeeyey qarnigan 20aad, waxa qaaradda Afrika ka dhacay 16 Afgembi, kuwaas oo Lix ka mid ahi dhaceen wixii ka dambeeyey sannadkii 2020-kii.

Somalilandpost.net

contact@somalilandpost.net