Hoggaamiye Xisbi oo DIRQI kaga badbadaaday Isku-day Dil lala beegsaday (DAAWO VIDEO)

Sofia (SLpost)- Hoggaamiyaha Xisbiga DPS ee dalka Bulgaria Ahmet DoÄŸan ayaa dirqi kaga badbaaday isku-day Dil oo lala beegsaday isaga oo Khudbad ka jeedinaya shirweyne Xisbigiisu qabsaday.

Ahmet DoÄŸan oo hoggaamiyaha Xisbiga DPS oo ay ku bahoobeen Qoomiyadda Turkiga ee lagaga tira-badan yahay Dalka Bulgaria ee Bariga Qaaradda Yurub, ayaa weerarkan la kulmay ka dib markii Nin hubaysan uu si lama-filaan ah ugu soo booday masrixii uu ka khudbadaynayey, dabadeed uu madaxa kaga qabtay Baastoolad uu sitay.

HOOS KA DAAWO MUUQAALKA

Dogan assassination attemptMuuqaaladda laga duubay Qaabka uu weerarku u dhacay ayaa muujinaya ninka weerarka soo qaaday oo isku dayaya inuu Siyaasigan madaxa kaga dhufto xabadda haseyeeshee ay dhowr jeer rasaastu ka Kettibtay ka hor intii aanu Ahmet DoÄŸan Iska fogeyn baaskooladda Madaxa ka saarneyd.

Ninka weerarka ku qaaday siyaasigan oo magaciisa la yidhaahdo Oktay Enimehmedov oo 25-jir ah, ayaa markiiba hujuun iyo weerar kala kulmay wufuuddii Xisbiga ee Shirka ka qayb-gashay oo dhulka ugu tuuray ninkan oo isaga leftiisu ka soo jeeda Qoomiyadda Turkiga ee laga tira badan yahay.

Haseyeeshee, ciidamada booliska ayaa markii dambe xaqiijiyey in ninka weerarka soo qaaday uu ku hubaysnaa baaskoolad aan Dhab ahayn iyo laba mindiyood, waxaanay saraakiishu intaas ku dareen in ninka dhalinyarada ah ee weerarka fuliyey uu sitay waraaq Dar-daaran ah oo hooyadii ku socota, taas oo uu hooyadii ku wargeliyey inuu dhiman doono, waxaanu ka raalli-geliyey inaanu dhammaysan waxbarashadiisa.

Daawo Video-ga

Balse Qoriga uu ninkani sitay ayaa dhowr Inj u jiray Madaxa Ahmet DoÄŸan oo madax ka ah Xisbiga Dhaq-dhaqaaqa Xuquuqda iyo Xoriyadda ee Dalka Bulgaria, kaas oo ka hadlayay shirweyne Xisbigiisa.

Mr DoÄŸan oo 58 jir ah oo muddo 23 sanno ah hoggaaminayey Xisbiga dhaq-dhaqaaqa Xuquuqda iyo Xornimada Dadka Turkiga ah ee laga Tiro-badan yahay, ayaa la filayey inuu iska casilo xilka guddoomiyaha Xisbiga, mana jiro wax dhaawac oo soo gaadhay marka laga reebo waxoogaa naxdin ah oo uu weerarkaas ka qaaday.

Dalka Bulgaria oo ku yaala Bariga Qaaradda Yurub, ayaa dadka Turkiga ah ee Ku nool ay boqolkiiba toban (10%) ka noqonayaan Shacbi weynaha Dalkaas oo tiradiisa lagu qiyaaso 7,476,000 (todoba Milyan, Afar Boqol todobaatan iyo Lix Kun) tiroobkii u dambeeyey ee la sameeyey sannadkii 2011-kii.

Firfircoonida qoomiyadda Turkiga ee Dalka Bulgaria oo doorashooyinka kaga qayb-gala Xisbigooda MRF, ayaa u suurto-galisay inay talada dalkaas kaga qayb-galaan dawlad wadaag ah oo talada ku guulaysatay sannaddadii 2001-dii iyo 2009-kii.

SOMALILANDPOST.NET

contact[at]somalilandpost.net