Hoggaamiye Xirsi oo “laba Qodob Kala-doorashadooda u soo Bandhigay”

 

Hargeysa (SLpost)- Hogaamiyaha Xisbiga Mucaaridka ah ee WADDANI Xirsi Cali Xaaji Xasan, ayaa madaxweynaha u soo jeediyey in uu iska daayo waxa uu ku tilmaamay aargoosiga siyaasiga ah.

“Madaxweyne laba isku heli maysid in aad hogaamiye u noqoto qaranka iyo in aad tidhaahdo hebel ka aar-gooso,” Sidaas waxa yidhi Xirsi oo maanta ka hadlayey shir-jaraa’id oo ay maanta ku qabteen xisbiyada mucaaridku magaalada Hargeysa.

Xirsi Cali Xaaji Xasan, ayaa u soo jeediyey guddida doorashada ee muranku ka taagan yahay ay iscasilaan oo ay qaranka u tudhaan.