Hoggaamiyaha Kuuriyada Woqooyi oo Markii u horeysay muddo Toddobaadyo ah Goob Fagaare ah lagu Arkay

Advertisement

 

Hargeysa (SLpost)- Warbaahinta Dowladda ee dalka Woqooyiga Kuuriya, ayaa war ayaa shaacisay in hoggaamiyahoodu ka Qayb-galay munaasibad uu xadhigga kaga jaray dhismaha Wershad loogu talo-galay Samaynta Waxyaabaha lagu nafaqeeyo Beeraha oo dhawaan la dhammaystiray.

Warkan ayaa soo baxay kaddib muddo 20 cisho ah oo Dunidu wax badan iska weydiisay Caafimaadka hoggaamiyaha Woqooyiga Kuuriya, iyadoo warar saxaafadda caalamku qortay lagu sheegay inuu u geeriyooday qalliin lagaga sameeyey wadnaha oo lagu guul-darraystay.

Advertisement

Wakaaladda Wararka Korean Central News Agency (KCNA), ayaa subaxnimadii hore ee Sabtida maanta baahisay in hoggaamiyaha dakaas Kim Jong Un oo ay weheliyaan saraakiil sare-sare oo dowladda ka tirsan uu ka qayb-galay xaflad loo qabtay dhammaystirka Wershadda oo laga hirgeliyey magaalada Suncheon oo ku taalla duleedka caasimadda dalkaas ee Pyongyang.

Sida ay shaacisay wakaaladda wararka ee KCNA, hoggaamiye Kim ayaa 7-dii subaxnimo ee Sabtida maanta uu ka qayb-galay xafladda daah-furka wershadda Cusub. Waxa booqashada hoggaamiyaha ku wehelinaysay Gabadha ay walaalaha yihiin ee Kim Yo Jong oo la saadaaliyey inay tahay qofka ugu dhow ee hoggaaminta dalkaas ka beddeli kara madaxweynaha Kim Jong Un.

Sida ay baahisay warbaahinta Al Jazeera oo aanu warkan ka soo xigannay, ma jiraan warar madax-bannaan oo xaqiijinaya jiritaanka warkan iyo muuqaallo iyo sawirro muujinaya hoggaamiyaha Kuuriyada Woqooyi iyo munaasibadda uu ka qayb-galay oo isla markiiba la baahiyey.

Wararka la xidhiidha Caafimaadka Kim ee laga dayriyey, ayaa soo if-baxay kaddib markii la ogaaday inaanu ka qayb-galin xuska sannad-guuraha dhalashada Hoggaamiyihi aasaasay dalka Woqooyi Kuuriya Kim Il Sung, taas oo dalkaas lagu qabtay 15-kii April ee bishan. Maalintan ayaa ah maalin Qaran oo guud ahaan shaqaalaha dalkaas fasax yihiin, waxaana caado u ahayd hoggaamiyahan da’da yar inuu booqasho ku tago goobta uu ku aasan yahay Awowgii Kim Il-Sung, taas oo ku taalla caasimadda dalkaas.

Dalka cadaawadda iyo xafiiltanku ka dhexeeye ee Koonfurta Kuuriya oo inta badan sirdoonkoodu shaaciyo xaaladaha ka jira dalka Woqooyiga Kuuriya, ayaa gebi ahaanba ka gaabsaday inay wax ka sheegaan xaaladda caafimaad ee hoggaamiyaha da’da yar.

Ilaa immika lama oga sababta dhabta ah ee keentay in mar kaliya hoggaamiyahan lagu arki waayo goob fagaare ah muddo 20 maalmood ah, haseyeeshee waa markii labaad ee arrintani dhacdo iyadoo sannadkii 2014-tii sidan oo kale uu fagaarayaasha ka maqnaa muddo Lix todobaad ah.

La soco wixii warar ah ee ka soo kordha

 

Somalilandpost.net

contact@somalilandpos.net

Advertisement