Hogaanka Kulmiye oo u Riyaaqay Go’aanka Guddida Xal u Helidda Khilaafka Xisbiga

 

Hargaysa(SLpost)-Hoggaanka sare ee xisbiga Kulmiye ayaa soo dhaweeyay go’aankii ka soo baxay guddigii dhawaan madaxwaynaha Somaliland u magacaabay xal u helida khilaafka Kulmiye iyo shir waynihiisa.

Warsaxaafadeed ka soo baxay xafiiska KULMIYE kuna saxeexan yaahy xoghayaha guud ee xisbigaasi oo soo gaadhay Warbaahinta Tooshnews ayaa u dhignaa sidan:

Warsaxaafadeed

Hoggaanka xisbiga KULMIYE waxa uu soo dhawaynayaa go’aanka ay maanta soo saartay guddigii Madaxweynuhu u magacaabay hubinta liiska xubnaha golaha dhexe iyo hawsha diinwaagelintooda ka qaybgalka shirka Golaha Dhexe ee xisbiga, go’aankaas oo guddigu ku caddeeyeen in aanay haba yaraatee wax musuqmaasuq iyo isdabamarin ahi toona ku jirin liiska golaha dhexe, isla markaana sida loo diiwaangeliyey tahay hab sax ah.

Go’aankani waxa uu meesha ka saaray tuhunkii iyo eedayntii qaar ka mid ah murrashaxiinta xisbigu ay kaga cawdeen inuu ka jiro liiska xubnaha golaha dhexe iyo inuu cid gaar ah u afduubanyahay. Sidaasi darteed, waxa uu xisbigu si buuxda ugu qanacsan yahay go’aankaas guddigu soo saartay.

Dhinaca kale, shirka Golaha Dhexe ee xisbiga KULMIYE oo hawlihiisa qabanqaabado gobogabo yihiin waxa uu si rasmi ugu qabsoomayaa xilligii loo qorsheeyey oo ah maalinta Salaasadda ee taariikhdu tahay 10-ka bisha November 2015, saacaddu markay 7:30 subaxnimo, goobtuna tahay huteel Maansoor ee magaalada Hargeysa.

Mar kale waxa lagu wargelinayaa xubnaha golaha dhexe ee aan weli isdiiwaangelin inay si degdeg ah u yimaadaan xarunta dhexe ee xisbiga si ay uga qaataan kaadhadhka aqoonsigooda intaannu waqtigu ka dhicin, halka xubnaha hore isu diiwaangeliyeyna loo sheegayo inay kaadhadhkooda ergaynimada ka qaadan doonaan xarunta xisbiga gelinka dambe ee maalinta Isniinta ee taariikhdu tahay 9-ka bishan November.

Alla             Mahad            Leh

Xoghayaha Guud ee xisbiga kulmiye

XASAN SICIID YUUSUF