Hogaamiyihii Afgambigii Dhicisoobay Ee Burkina Faso Oo la Xidhay

 

Ouagadougou(SLpost)-Hoggaamiyaha Af-gambigii fashilmay ee Bishii hore ka dhacay Waddanka Burkina Faso, Jen. Gilbert Diendere ayaa la xidhay; sida ay u sheegeen warbaahinta saraakiil sare oo ka tirsan hay’adaha Ammaanka Burkina Faso.

Warar hore ayaa sheegayay in Jen. Diendere oo ahaa ilaalada madaxtooyada dalkaas ee afgambiga sameeyay uu goor sii horreysay si magangalyo doon ah uu u galay dhismaha wakiilka baadariga diinta Masiixiga uu Caasimadda dalkaas ee Ouagadougou ku leeyahay.

Madaxweynihii KMG-ka ahaa ee la Inqilaabay, Michel Kafando ayaa xukunka dib loogu celiyay toddobaadkii lasoo Dhaafay, kaddib fara-gelin ay xiisadaha ka taagan dalkaas ku sameyeen hoggaamiyeyaasha dallaka galbeedka Afrika.

“Jen. Diendere haatan waxaa lagu soo wareejiyay gacanta xukuumadda” ayaa waxaa u Sheegay wakaaladda wararka Reuters saraakiil dhanka amniga ah oo ku sugan Ouagadougou. Balse warkan ku saabsan in Jen. Diendere xukuumadda Burkina Faso lagu soo wareejiyay ayaan weli ahayn mid cad.

Sidoo kale, Toddobaadkii hore ayaa xayiraad lagu soo rogay hantida Jen. Gilbert Diendere iyo 13 xubnood oo kale oo lagu haysto af-gambigii ka dhacay Burkina Faso, inkastoo aan magacyadooda la shaacin.

Dhanka kale, Kulan ay yeesheen golaha wasiirrada ee madaxweyne Kafando ayaa lagu go’aamiyay in la kala diro ilaalada madaxtooyada dalkaas oo ka dambeeyay afgambigii dhicisoobay iyo wasiirkii amniga dalkaas.

Ciidamada Ilaalada madaxtooyada Burkina Faso ayaa waxay ka kooban yihiin 1,200 oo askari oo aad u tababaran, kuwaasoo daacad u ahaa madaxweynihii hore ee dalkaas xukumayay 27-ka sano Compaore oo sannadkii hore la eryay.

Ugu dambeyn, 10-qof ayaa la rumeysan yahay inay ku dhinteen dibadbaxyadii ka dhacay dalkaas wixii ka dabmeeyay Afgambigii dhicisoobay; iyadoo ay 100 qof oo kalena ku dhaawacmeen.