Hinidiya oo Hoggaaminaysa Dalalka Faaf-reebka ku Sameeya Mareegta Facebook

 

Dalka Hindiya, ayaa kaalinta ugu horraysa kaga jira waddamada faaf-reebka (censorship) ku sameeyey waxyaabaha lagu qoro mareegta xidhiidhka bulshada ee Facebook sida lagu shaaciyey macluumaad cusub oo laga helay baraha bulshadu ku kulmaan.

 

Dawladda Hindiya waxa ay 15,155 shay oo Facebook la soo dhigay ku sameeyeen faaf-reeb lixdii bilood ee ugu dambeeyey sannadkan, halka dalka Turkiga oo kaalinta labaad kaga jira waddamada go’aankan qaatay uu faaf-reebay 4,496 muddo lix bilood ah sida lagu sheegay warbixin dawladda Turkigu ku codsanaysay faaf-reebkan oo ay u direen madaxda mareegta Facebook, taasoo la baahiyey Arbacadii toddobaadkan.

 

“Waxa aan xayirnay in macluumaadyada Faacebook qaar ka mid ah laga heli karo Hindiya, sababtoo ah sida ay dawladdu codsatay, gaar ahaan hay’adaha sharci fulinta iyo Kooxda Ka-jawaabista Falalka Degdega ah ee Kombuyuutarrada Hindiya (Computer Emergency Response Team) oo hoos tega Wasaaradda Warfaafinta iyo Tiknoolajiyadda. Waxyaabaha la faaf-reebay waxay u badnaayeen nacayb ku salaysan diin oo sababi kara isku dhac shacabka reer Hindiya,” ayaa lagu yidhi warbixin facebook daabacday oo Maankaab soo xigtay.

 

Sidoo kale, dawladda Hindiya ayaa shirkadda Facebook u dirtay 5,115 codsi oo ku saabsan dad waxyaabo khaldan facebook ku daabacay, kuwaasoo ay ka cabsadeen inay qulqulatooyin siyaasadeed iyo nacayb dalkaas ka abuuraan.

 

Guud ahaan caalamka faaf-reebka Facebook lagu sameeyey 6 bilood ee sannadkan 2015 u dambeeyey waxay noqonaysaa 234% marka la barbardhigo waqtigan oo kale sida sannadkii hore ay ahayd oo aad u hoosaysay.