HILLARY CLINTON oo loo xushay Murashaxa Xisbiga Dimuqraadiga u metelaya doorashada sannadkan

Washington (SLpost)- Xisbiga Dimuqraadiga ee dalka Maryaknaka, ayaa si rasmi ah u magacaabay in xog-hayihii hore ee arrimaha dibadda Hillary Clinton ay noqoto musharaxa madaxtinnimo ee xisbigaasi u matali doona doorashada madaxtinnimo ee sannadkan ka dhici doonta dalkaas.

Iyadoo la muujinayay midnimo xooggan oo xisbiga dhexdiisa ah, ayaa fiidnimadii Talaadada, waxaa Senator-ka Vermont Bernie Sanders, oo Hillary kula Tartamay Doorashada Xisbiga dhexdiisa ahayd, wuxuu ka sheegay shirka in uu jeclaan lahaa in nidaamka la marayo marka la magacaabayo musharaxa la joojiyo oo si toos ah Hillary loo magacaabo.

clintonGuushan ay gaadhay Mrs Clinton, ayaa lamid ah tii ay Clinton sameysay 8 sano ka hor markii ay mikrafoonka ku soo dhawaatay si ay u ayiddo taageerana ugu muujiso Barack Obama oo tartankii is Reebreebka kaga soo adkaaday xisibiga dhexdiisa.

Saygeeda Bill Clinton, ayaa sidoo kale Madasha ka hadlay, isagoo sheegay sababaha ay tahay in Mrs. Hillary bisha November ee soo socota loogu codeeyo inay noqoto madaxweynaha Mareykanka.

Hillary Clinton, ayaa noqotay haweeneydii ugu horeysay ee musharax u noqota mid ka mid ah xisbiyada waaweyn ee taariikhda Mareykanka.