“Heshiiska Somaliland iyo Ethiopia Wuxuu Ka Soo Go’ay Quluubta Shacabka” – Safiir-ku-xigeenka Somaliiland ee South Sudan

Jubba (SLpost)- Heshiiska Is-afgaradka ee ay kala saxeexdeen Itoobiya iyo Somaliland, waa tallaabo muhiimad weyn ugu fadhida is-dhexgalka bulsho ee gobolka Bariga Afrika, sida uu sheegay ku-xigeenka Safiirka Somaliland ee Koonfurta Suudaan, Cabdirisaaq Axmed Xasan oo u warramay wakaaladda wararka ee ENA.

Cabdirisaaq waxa uu sheegay in is-afgaradka dhex maray Itoobiya iyo Somaliland aanu faa’iido u lahayn oo kaliya labada dhinac balse uu ka jawaabayo baahida loo qabo is-dhexgalka gobolka.

“Heshiiskani wuxuu ka soo go’ay quluubta Shacabka labada waddan oo iyagu si wada-jir ah go’aanka u gaadhay, cid ku qasabtayna ma jirto, waayo labadoodaba dan baa ugu jirta,” sidaas ayuu yidhi Danjire Cabdirisaaq.

Danjire Cabdirisaaq waxa uu intaas ku daray in heshiiska Somaliland iyo Ethiopia uu tusaale u yahay rabitaanka Midowga Afrika ee ah in la helo is-dhexgalka Gobolka ee iskaashiga dhinacyada dhaqaalaha, ganacsiga iyo Ammaanka.