Heshiis laga gaadhay xaaladda dalka Ukraine

Geneva(SLPOST)Ergada kala matalaysa wadamada Rush,ka Ukraine, Maraykanka, iyo Midowga Yurub ayaa wada gaadhay heshiis lagu tilmaamay inuu muhiim u yahay dadka Ukraine

Geneva talks on Ukraine crisis

Wasiiradda arrimaha dibbadda wadamada Rush,ka Ukraine, Maraykanka, iyo Midowga Yurub oo ku kulmay magaalada Geneva ayaa qalinka ku wada duugay in deg deg loo dhameeyo xasarada ka taagan gobolo ku yaala dalka Ukraine oo bilihii lasoo dhaafay qas ka taagnaa.

Qodobada lagu heshiiyay waxaa ka mid in hub ka dhigis lagu sameeyo kooxaha hubeysan ee hubka sharci darrada ah ku haysta gudaha dalka Ukraine iyo in cid kasta oo qabsata dhismo dawladeed laga saaro.

Sidoo kale in la damaanad qaado amaanka shaqsiyaadka dawlada ku kacay dawladuna wada hadal la gasho ayaa ka mid ah qodobadda ay dhinacyada kulmay ku heshiiyeen.

Dadka falanqeeya siyaasadda ayaa qaba aragti ah in heshiiskan uu ka dhex muuqdo tanaasul ay dawlada Rush,ku sameysay.

 

Somalilandpost.net

Hargeysa/Somaliland