Heshiis laga gaadhay Arday Deeq Waxbarasho la siiyey oo Jaamacadda Hargeysa Caydhisay

 

Hargeysa (SLpost)- Wasaaradda Waxbrashada iyo Sayniska ee Somaliland iyo Guddida sare ee Jaamacadda Hargeysa ayaa isfaham ka gaadhay cabasho ka timi Arday danyar ah oo Wasaaraddu deeq Waxbarasho uga diiwaangelisay Jaamacadda Hargeysa.

Ardayda oo qaarkood saxaafadda la hadleen, ayaa sheegay inay iska joojiyeen waxbarashadii kaddib markii maamulka Jaamacaddu ku wargeliyey inay bixiyaan kharaska waxbarashada, taasoo ay sheegeen inay khilaafsan tahay heshiiskii lagu keenay jaamacadda.

Heshiiska dhexmaray labada dhinac ayaa lagu gaadhay in ardaydii Wasaaraddu u dirtay Jaamacadda Hargeysa ay si toos ah u sii wadan doonaan waxbarashadoodii sidaana ay masuuliyadooda kula wareegtay Jaamacadda Hargeysa.

Go’aan ka soo baxay heshiiska labada dhinac, ayaa waddada u xaadhaya in dhammaanba ardaydii deeqda Waxbarasho Wasaaradu siisay si toos ah u galaan imtixaankii tooska ahaa ee Jaamaacadda Hargeysa kaasi oo u bilaamaya guud ahaanba ardayda jaamacadda maalinta bari ah ee ku astaysan 01/02/2021.

Ardaydan ayaa qayb ka ah arday Wasaaradda waxbarashadu ku qortay dhammaan jaamacadaha dalka kuwaasi oo ah ardayda aan awoodin inay iska bixiyaan kharashka jaamadadaha kuwaasi oo ka kala yimid gollada kala duwan ee dalka.

Somalilandost.net