Heerka Musuq-maasuqu ka marayo Dalka Jabuuti oo la ammaanay

DJIBOUTI (SLpost)- Warbixin lagaga hadlayey maamulka Maaliyadda iyo lacagaha oo Baanka Adduunka shalay soo saaray, ayaa si weyn loogu ammaanay dedaal dawladda Jabuuti ugu jirto la-dagaalanka musuqmaasuqa.

Dedaalka Dawladda Jabuuti ka samaysay la-dagaalanka Musuqa, aya warbixintu sheegtay inay u horseedday isbeddel dhiirranaan leh oo sababay in dalkaasi kor uga soo kaco heerka uu sannadahii hore kaga jiray liiska dalalka adduunka ee halista musuqmaasuqu aafeysay.

ismail-omar-geleWarbixintan oo sannad walba Baanka adduunku ka diyaariyo heerarka musuqmaasuqa ee waddamada dunida, waxa lagu sheegay in aafada musuqu aanay wakhtigan mushkilad jirta oo la tirsado ka ahayn dalka Jabuuti oo 13% hoos uga dhacay heerkii uu sannadkii 2013-dii ka joogay adduunka oo derejada qiyaasta dalalka adduunka ee musuq-maasuqu aafeeyey ka ahayd 16.8, marka loo eego sannadkii 2012-dii oo dalkaasi kaalmaha hore kaga jiray liiska dalalka qaaradda Afrika ee aafadani regaadiysay.

Warbixinta Baanka Adduunka, waxa ay dawladda Jabuuti ku dhiirri-gelisay sii xoojinta cidhib-tirka musuqa, iyada oo lagu sheegay in xaaaldu dhinaca wanaaga u socoto sannadba ka ka dambeeya, haatana ku dhowdahay heerka wadamadda horumaray.

Horumarka dalka Jabuuti ka gaadhay la-dagaalanka musuqmaamsuqa ayey warbixintu xustay inuu ku yimi siyaasadda Madaxweynaha dalkaas ku jideeyey nidaam casri ah iyo shuruuc lagula dagaalamo musq-maasuqa.

“Si loo gaadho hadafkaa waxay xukuumada jabuuti diyaarisay nidaamkii hab furfuran loogu maamuli lahaa hantida shacabka oo natiijadeedu keentay calaadaha xilligan muuqda,” sidaas ayaa lagu sheegay war-bixinta.

Wadanka Jabuuti ayaa lagu sheegay warbixinta inay muujiyeen awooda ay ku maarayn karaan caqbadaha ka soo waajaha miisaanka maalgashiga caalamka oo siyaasad cad loo dejiyey sidii loo dhiirri-gelin lahaa horumarinta dhinacyada kaabayasha.

“Korodhka shaqo-abuurka waxa uu sare u kacay boqolkiiba 6.6%, halka horumarka dhismayaasha ee shirkaduhu gaadhay kor-u-kac boqokiiba 49%, taasina waxay gaadhsiisay inay hantiyaan saaxiibka horumarka Geeska Afrika,” ayaa warbixin lagu sheegay.