Hay’adda Shaqaalaha Dowladda oo Dhammeystirtay Qiimeynta iyo Diiwaangelinta Wejigii 1aad ee Barnaamijka Shaqo-Qaran

 

Hargeysa (SLpost)- Hay’adda shaqaalaha Dawladda ayaa shaacisay liiska rasmiga ah ee Dufcadii koowaad ee ku soo baxday Barnaamijka Shaqo Qaran, kuwaas oo loo qeybiyay 37 laamood oo ka tirsan hay’adaha dowladda.

Kulan ay si wada-jir ah magaalada Hargeysa ugu qabsteen Guddoomiyaha hay’adda Shaqaalaha Dowladda iyo Agaasimaha Barnaamijka Shaqo Qaran, ayay ku faahfaahiyeen, tirada dhalinyarada loo qaybiyey ee ka halw-gali doona hay’adaha dowladda iyo qaabka loo qiimeeyey.

Guddoomiyaha Hay’adda Shaqaalaha Dowladda

Guddoomiyaha hay’adda shaqaalaha dawladda Somaliland Farxaan Aadan Haybe, ayaa sheegay in ay si buuxda u xaqiijiyeen qofkasta xogtiisa iyo heerka aqoontiisa una diwaangeliyeen si dhammeystiran 1,300 dhalinyaro ah.

Agaasimaha barnaamijka shaqo Qaran Maxamed Xuseen Cismaan, ayaa sheegay in dhankooda barnaamij qabyo ah u soo gudbiyeen hay’adda shaqaalaha taasi oo wakhtigu u saamixi waayay, balse hay’adda shaqaaluhu dhammeystirtay wixii hawshaasi ka dhina.

Dhanka kale waxaa uu hay’adda shaqaalaha dawladda uga mahad naqay xilka ay iska saartay dhammeystirka wixii qaybyo ka ahaa barnaamijka shaqo Qaran qaybtiisi koobaad.

“Waxaan aad ugu mahad naqayaa masuuliyiinta hay’adda shaqaalaha dawladda Somaliland, maamulka guddoomiyaha iyo ku xigeenkiisa, hawsha qiimaha leh ee ay ka qabteen dufcadii koobaad ee shaqo Qaran, oo hawl qabyo ah aanu u soo gudbinay oo markii hore aan noo suuragelin in aanu fulino, taasi oo hannaan casriya la isticmaalayay iyada oo indhaha laga qaadayay, dhab ahaantiina noomay suuragelin in aanu kala shaandheyno wakhtigii hore si qarbo qarbo ah ayaanu ku galnay hawsha, dufcadii koobaad 2018 dabayaaqadiisi ayay ahayd, sidii ayaanay ku hawl galeen, imikana qof la tuuray ama la xumeeyay ma jiro, qof waliba wixii uu mutaystay ee ay gaadhsiisnayd aqoontiisu ayaa lagu qiimeeya ILLAAHEY-baana mahad oo dhan iska leh” Sidaas ayuu yidhi Agaasimaha Barnaamijka Shaqo Qaran.

Guddoomiyaha hay’adda shaqaalaha dawladda Farxaan Aadan Haybe isaga oo arrimahaasi ka hadlaya waxaa uu yidhi, “Maanta sharaf weyn ayay noo tahay in aanu soo gunaanadka hufistii, xulistii iyo xaqiijintii dhallinyarada dufcacdii koobaad ee shaqo Qaran, oo ahayd kun iyo laba boqol iyo saddex, sida agaasimaha xafiiska shaqo Qaran uu inoogu soo gudbiyay.”

“Kunka iyo saddexda boqolba waxaa laga qaaday indhaha si loo hubiyo in aan qof kale u gelin imtixaan, in uu isagii yahay in magaciisu sax yahay, in la sugo oo la xaqiijiyo, xogihiisa iyo aqoontiisaba, waxaa aanu kooxo u kala dirnay gobolada dalka dhammaantood waxaana hoggaaminayay agaasimaha guud, waan u mahad celinayaa kooxaha shaqaalaha dawladda ee hawshaasi u hagar baxay.” Sidaas ayuu yidhi Guddoomiyuhu.

Isaga oo hadalkiisa sii watay, waxa uu intaas ku darya, “In hay’addihii dawladda loo qaybiyay tiro sugan waxaa ay noqotay in magacooda kaadhka shaqada, ka shaqo Qaran iyo shahadadooda iyo magacooda asalka ahi kala duwan yihiin, ama in qofkaasi markii nidaamka I T-gu soo qabtay uu noqday qof hore u ahaa shaqaale dawladeed oo hore diwaanka dawladda ugu jiray, qof waliba waxaa uu weelka ku shubtay ayaa xaqiiqadiisa la taabsiinayaa, sida ugu wanaagsan ayaanu u doonaynaa in ay nagu dhaafto oo dhallinyaradaasi shaqo u wada helaan”. Sidaas ayuu yidhi Guddoomiyaha hay’adda Shaqaalaha Dowladda ee Somaliland Farxaan Aadan Haybe.

 

Somalilandpost.net

contact@somalilandpost.net