Hay’adda PSPH Oo Somaliland Ku Qabatay Shir Lagu Gorfeynayay Caymiska Caafimaadka

Hargeysa (SLpost)- Shir Lagu Lafo-gurayey sidii Kor loogu Qaadi lahaa caymiska caafimaadka Somaliland ayaa maanta oo lagu qabtay Magaalada Hareysa.

Munaasibad loo sameeyey qabsoomida shirka oo si heer sare ah loo soo agaasimay xubno ka kala socday Cisbitaalada, Banaanka, hay’ada caalamiga ah INGO’s-ka iyo kuwa maxaliga,xeel-dheerayaal kala duwan, Aqoonyahan, Culimo Awdiin, Shirkadaha Caymiska, xubno ka socday Jaamacadaha dalka, masuuliyiinta ka socday hay’adda Caymiska Qaranka Somaliland iyo saraakiil ka socday xukuumadda, kuwaas oo darsay muhiima uu leeyahay caymiska Caafimaadku, isla markaana sida wakhtigan loogu baahan yahay. waxaanay madasha ka soo jeediyeen hadalo ku suubsan muhiimada guud iyo midka gaar ahaaneed ee uu leeyahay Caymiska Caafimaadku xubno kale duwan oo qaarkood habka online-ka ah ee maqalka iyo muuqaalka ah kaga soo qayb-galey kulanka.

Hay’adda Private Sectors Partnership in Health ee loo soo gaabo #PSPH ayaa kulankan soo agaasintay, isla markaana qabatay.

Waxaanay dhammaan masuuliyiintani hoosta ka xariiqeen sida wakhtigan ay lama huraanka u tahay in helo adeegan Caymiska Caafimaadka oo ah mid si weyn baahi loogu qabo.

Maamulka Mashruuca Private Sectors Partnership in Health PSPH, Axmed-Daad Aden, Agaasimaha hay’ada Caymiska qaranka Somaliland Abdiraxman Muse, Isu-duwaha Mashruuca Private Sectors Partnership in Health PSPH Ron Ashkin, Khabiir Caymiska PSPH, ee fadhigiisu yahay Nairobi Joseph Githinji, Khabiir mashruuca caymiska PSPH Siddarty Srivastava ee fadhigiisu yahay Switzerland, Khabiir mashruuca caymiska PSPH John Paul ee Kenya, Agaasimaha ururka Bangiyada Somaliland Abdisalan Gaboobe, Maamulaha Shirkadda Wadaag ee Caymiska Saleebaan Cige,Sheekh Faysal oo ka mida gudida fulinka Hay’adaha Caymiska Qaranka Somaliland iyo Axmed oo ah kormeerka h’ayada caymiska qaranka oo kulankaasi ka hadlay ayaa si isku mida u sheegay muhiimada uu leeyahay caymiska Caafimadku iyo sida wakhtigan loogu baahan-yahay.

Hay’ada Private Sectors Partnership in Health ee loo soo gaabiyo PSPH Somaliland waa barnaamij MSD oo diiradda saaraya sidii muwaadiniinta,ay ku jiraan dadka danyarta ah u heli lahaayeen adeegyo caafimaad oo tayo leh oo jaban.

Jilicsanaanta muddada dheer ka jirtay Soomaaliya waxay keentay nidaamyo iyo dhismayaal daryeel caafimaad oo jajaban oo barbar socda.
Xaashidan xaqiiqadu waxay bixinaysaa dulmar ku saabsan macnaha guud, naqshadeynta barnaamijka iyo faro-gelinta bilowga ah.

Hababka maaliyadeed ee cusub iyo kuwa aan rasmiga ahayn ee ka faa’iidaysan doona dadka saboolka ah:

Daryeelka caafimaadka gaarka ah ee Soomaaliya waxa lagu maalgeliyaa kharashyada ka baxsan jeebka (OOP). Khatarta culeyska dhaqaale ee saaran dadka saboolka ah ayaa gaar ahaan aad u daran. Soomaali badan ayaa iska dhaafa ama dib-u-dhiga daawaynta sababo la xidhiidha awood la’aanta inay wax bixiyaan.

Suuqa caafimaadku wuu qalloocaa, maadaama ay jirto saldhig cashuureed oo gudaha laga soo saaray oo lagu taageerayo caymiska caafimaadka bulshada, Caymiska caafimaadka gaarka ah ayaa hooseeya, waxaana lagu qiyaasaa kaliya boqolkiiba laba (2%).