Hay’adda Islamic Relief oo bilowday Olole Caalami ah oo Dhaqaale loogu ururinayo Suuqa Waaheen

London (SLpost)- Hay’adda gargaarka Caalamiga ah qaabilsan ee Islamic Relief, ayaa bilowday olole ay taageero dhaqaale iyo mid farsamo ugu raadinayso Dadka ku tabaaloobay gubashada Suuqa Waaheen Hargeysa.

Suuqa Waaheen ee magaalada Hargeysa oo lagu tilmaamay boqolkiiba 40 Dhaqaale caasimadda, ayaa ku buburay dab xooggan oo ka kacay 1-dii bishan April kaas oo baabiiyey ganacsiyadii iyo dhismayaashii suuqaasi ka koobnaa.

Qiimeyn hor-dhac oo ay shaaciyeen guddiga heer-qaran ee Gurmadka iyo taakuleynta suuqa Waaheen, ayaa lagu sheegay in dabku burburisay hanta lagu qisaasay in ka badan $2 Bilyan isla markaana uu saamayn ku yeeshay nolosha 500,000 Qoys.

Advertisement

Hay’adda Gargaarka Caalamiga ah ee Islamic Relief oo xarunteedu tahay magaalada Birmingham ee dalka UK, ayaa war-saxaafadeed ay maanta soo saartay ku shaacisay olole ballaadhan oo dhaqaale loogu ururinayo taakuleynta Suuqa Waaheen.

Hay’adda oo sanduuq gaar ah furtay taakuleynta Suuqa Waaheen,  waxa ay dalalka Caalamka iyo hay’adaha dhaqaalaha ku taageera ka codsatay inay si deg-deg ah uga qayb-qaataan qaadhaan-ururinta lagu taageerayo Ganacsiyada iyo Qoysas Dan-yarta ah oo noloshoodu ku tiirsanayd Suuqa Waaheen.

Islamic Relief waxa ay sheegtay inay hawl-wadeennadoodu ku sugan yihiin Hargeysa isla markaana ay taageero Dhaqaale u fidinayso ganacsiyada ay dhibaatadu saamaysay.

Waxa kale oo ay hay’addu xustay inaanay taageeradoodu ku koobanayn taakuleyn Dhaqaale oo kali ah balse ay sidoo kale bixinayaan tabobarro iyo taageerooyin farsamo.

“Waxaan wadnaa qorsheyaal mustaqbalka fog ah oo lagu caawinayo qoysaska maxalliga ah si ay uga soo kabtaan oo dib u dhistaan ​​noloshooda, waxaananu taageeri doonnaa dadaallada dib-u-dhiska suuqa,” sidaas ayaa lagu sheegay war-saxaafadeedka Islamic Relief.

Waxa kale oo war-saxaafadeedka lagu sheegay inay bixinayaan tabobaro ku saabsan ​ka hortagga shilalka dabka.

Islamic Relief oo ciwaannada ay Internetka ku leedahay ku baahisay farriin ku socota deeq-bixiyeyaasha Caalamka, waxa ay ku tidhi, “Waxaanu aad ugu baahanahay taageeradaada si aan u caawino qoysaska nugul ee Somaliland iyo kuwa kalaba, fadlan ku deeq Sanduuqa Gurmadka Caalamiga ah”.

Hay’adda Islamic Relief Worldwide oo la aasaasay sannadkii 1984-kii, ayaa ka hawl-gasha in ka badan 40 Waddan oo ay ka fuliso mashaariico horumarineed iyo kuwo gurmadka bani’aadamnimada ah.

Somalilandpost.net

contact@somalilandpost.net

Follow us On