Hawl-wadeennada Hay’adda Shaqaalaha Dowladda oo la fasaxay

Hargeysa (SLpost)- Wareegto uu soo saaray Agaasimaha guud ee hay’adda shaqaalaha dawladda Somaliland, Maxamed Geedi Caynaanshe, ayaa lagu sheegay inay fasax yihiin guud ahaan shaqaalaha ka hawl-gala hay’adda Shaqaalaha dolwadda marka laga reebo madax-xafiiseedyada.

Wareegtada oo tixraacaysa go’aan hore uga soo baxay hay’adda shaqaalaha dowladda si loo xakameeyo faafitaanka cudurka Covid-19, taas oo lagu sheegay in la fasaxo shaqaalaha dowladda ee xannuunka u nugul iyo kuwooda shaqada looga maarmi karo, waxa lagu sheegay in guud ahaan shaqaaluhu fasax galaan ilaa amar dambe ka soo baxayo.

Wareegtada uu soo saaray Agaasimaha Guud ee hay’adda Shaqaalaha Dowladda oo lagu socodsiiyey dhammaan shaqaalaha dowladda, laguna wargeliyey Agaasimaha Waaxda Maamulka iyo MaaIiyadda, Guddoomiye Ku Xigeenka Hay’adda Shaqaalaha iyo Guddoomiyaha Hay’adda Shaqaalaha, ayay ujeeddadeedu tahay sidii loo xoojin lahaa Bad-qabka iyo ilaalinta Xafiiska Hayadda Shaqaalaha.

Wareegtada ayaa u dhignayd sida hoos ka muuqata: