Hawl-gal Ciidan oo Dunida Xusuusiyey Weerarro looga bartay Budhcad-badeedda Soomaalida

Nairobi (SLpost)- Ilaalada Xeebaha ee dalka Eratariya, ayaa la wareegay gacan-ku-haynta markab ganacsi oo marayey biyaha badda Cas meel u dhow Xeebaha dalkaasi, taas isu beddeshay dhacdo is-moodsiis ah oo shaqaalihii markabkaasi farriin qaylo-dhaan ah ku direen inay u gacan-galeen Koox budhcad-badeed ah.

Warkan oo ay shaaciyeen Ciidamada midowga Yurub ee ilaalada ku jooga marinta Badda Cas iyo badweynta Hindiya, ayaa lagu sheegay in ciidamada ilaalada xeebaha ee dalka Eratariya ay fuuleen markabka oo magaciisa la yidhaahdo MV Marzoogah, isla markaana ay shaqaalihii markabkaas oo budhcad-badeed u haystay ay fariin qaylo-dhaan ah u direen Ciidamada Midowga Yurub ee gaaf-wareega biyaha Badda Cas iyo Badweynta Hindiya.

HAWLGAL CIIDAN“Waxaanu ogaannay inay ciidamada Eretariya fuliyeen hawl-galkan, isla markaana ay fuuleen markabka,” sidaa waxa yidhi afhayeen u ahayd Hawl-galka Ciidamada Badda ee Midowga Yurub ee ilaaliyaha Xeebaha Soomaaliya (EU NAVFOR) oo meelaha ay ka hawl-galaan ka durugsan tahay goobta markabku marayey.

“Waxaanu rumaysanahay in markabku gacanta ugu jiro ciidamada Eratariya,” ayey tidhi haweenayndan afhayeenka ah oo u warran wakaaladda wararka ee Reuters, iyada intaas ku dartay in farriinta uu markabku diray u muuqatay qaabka looga hortago weerarrada budhcad-badeedda.

Haweenaydani waxa ay sheegtay inay macluumaadkii u dambeeyey ee markabkaas la xidhiidha ay ka heleen Xarunta lagula socdo dhaq-dhaqaaqa maraakiibta oo fadhigeedu yahay magaalada Dubia ee Dalka isu-tagga Imaaraadka Carabta, taas oo ay gacanta ku hayaan Ciidamada Badda ee boqortooyada Ingiriisku.

Xoghayaha Guud ee Midowga Bad-Maaxiinta Kenya oo lagu magacaabo Andrew Mwangura oo hore u shaaciyey inuu markabkaasi u gacan-galay koox budhcad-badeed ah, ayaa sheegay inuu ka war-helay dhacdadan, isla markaana uu xaqiiqsaday inay Ciidamada badda ee Eretariya ay Gacanta ku hayaan.

Dhacdadan, ayaa ku soo beegmaysa iyada oo sannadkii tagay ee 2013 ay yaraadeen dhaq-dhaqaaqyada ay budh-cadbadeedu ka samayso xeebaha badweynta HIndiya iyo Gacanka Cadmeed. Budhcad-badeedda Soomaalida, ayaa afduubtay Maraakiib dhan 176 Markab sannadkii 2011-ka halka 36 kalena ay afduubeen sannadkii 2012, halka sannadkii tagay ee 2013-ka aanay budhcad-badeedda u suurto-galin inay afduubaan wax maraakiib ah.

Hawl-galka Midowga Yurub ee Xeebaha Somaliya (EU NAVFOR), ayaa ku kooban biyaha Gacanka Cadmeed iyo Badweynta Hindiya, waxaanay saraakiisha Ciidamada Badda ee Midowga Yurub kaga dhawaajiyeen inay weli gobolka ka jirto halista weerarrada budhcad-badeedda.

SOMALILANDPOST.NET