Haweenay ku Eedaysan inay Fariimo Aflagaaddo ah u Dirtay Wasiirka Madaxtooyada oo dhegaysiga Dacwaddeedu maanta ka bilaabantay Maxkamadda Gobolka Hargeysa

Hargeysa (SLpost)- Haweenay ku eedaysan inay Telefonkeeda gacanta farriin aflagaaddo ah ugu dirtay Wasiirka Madaxtooyada Md Xirsi Cali X. Xasan isla markaana muddo todobaaddo ah ku xidhneyd Saldhigga Dhexe ee magaalada Hargeysa, ayaa dhegaysiga dacwaddeedu maanta ka bilaabantay maxkamadda gobolka Hargeysa.

Dhegaysiga Dacwaddan oo si dhuumasho ah looga bilaabay Maxkamadda Gobolka Maroodijeex, isla markaana aanay dadka badankoodu waxbka ka ogeyn, ayaa la sheegay in Wasiirka Madaxtooyadu ka qayb-galay dhegaysigeeda.

maxkama1-638x300Gar-yaqaan ka tirsan Bahda Garsoorka ee Somaliland oo dhegaysiga dacwaddan ka qayb-galay, balse ka gaabsaday in magaciisa la xuso, ayaa shabakadda Somalilandpost u xaqiijiyey in maxkamadda gobolka Hargeysa ay maanta dhegaysatay dacwaddan u dhaxaysa Wasiirka Madaxtooyada iyo haweenaydan oo ah tii ugu horreysay nooceeda ee inta la ogyahay ka dhacda maxkamadaha Somaliland.

Garyaqaankani waxa uu sheegay in dhegaysiga dacwaddan oo maanta wejigii koowaad la soo gebo-gabeeyey, ay todobaadka dambe ka sii socon doonto maxkamadda Gobolka Hargeysa, lamana garan-karo natiijada ay ku soo gebo-gaboobi doonto.

Somalilandpost/Hargeysa