Hargeysa: Xildhibaannada Baarlamaanka oo si adag uga hadlay Shilalka Gaadiidka iyo Doorka Xukuumadda

 

Hargeysa (SLpost)- Mudaneyaal ka tirsan Goleyaasha Wakiillada iyo Guurtida ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Somaliland, ayaa si adag uga hadlay Shilalka gaadiidka oo muddooyinkan dambe si xawli ah ugu soo badanaya dalka, kuwaas oo galaaftay nolosha dad badan, hanti-badanina ku burburtay.

Xildhibaan Siciid Cartan oo ka tirsan Golaha Wakiillada iyo Xildhibaan Dayib Xasan Boobe oo ka tirsan Golaha Guurtida ee Somaliland, ayaa si wada-jir ah uga hadlay khatarta soo kordhaysa ee shilalka gaadiidka iyo sababaha dhabta ah ee ka dambeeya masuuliyad-darrada ay ku yimaaddaan marka laga reebo qaddarka Eebbe.

Labada xildhibaan oo si wada-jir ah warbaahinta ula hadlay, waxa ay sababaha shilalka gaadiidku ku yimaaddaan dusha u saareen masuuliyad-darro ay ku kacayaan darawallada gaadiidka oo inta badan dhalinyaro u badan, waxaanay wasaaradda Gaadiidka iyo horumarinta Jidadka ugu baaqeen in la adkeeyo shuruudaha lagu bixiyo liisanka darawalnimada.

Shilalka Gaadiidka ee muddooyinka dambe ku soo badanaya dalka, waxa sababa gaadiidka ay iska leeyihiin shirkadaha Socdaalka ee isaga goosha gobollada dalka, sida ay muujinayaan diiwaanka shilalkii u dambeeyey ee ka dhacay dalka, waxaanay xildhibaannadu soo jeediyeen in xukuumaddu si weyn uga hawl-gasho oo hirgeliso qorshe lagu xakamaynayo dadka loo oggol yahay inay wadaan gaadiidka Dadweynaha iyo kuwa gaarka loo leeyahayba.

Muuqaalka Hoose, waxa aanu idiinku soo gudbinaynaa hadallada labada xildhibaan ka yidhaahdeen arrintan