Hargeysa: Xiddiggii Ugu Qaalisanaa Suuqa Kala Iibsiga Ciyaartoyga oo maanta lala kala wareegay iyo Qaddarka Lacagta laga Bixiyey

 

Hargeysa (SLpost)- Ciyaartoygii ugu qaalisanaa Suuqa Kala iibsiga Ciyaartoyga Kubadda Cagta ee Somaliland, ayaa maanta lagulala kala wareegay Lacag kor u dhaafaysa 11 Milyan oo Shilinka Somaliland ah.

Ciyaartoygan oo lagu magacaabo Xamse Cabdiqaadir Axmed waxa maanta si rasmi ah ula wareegay Kooxda Kubadda Cagta ee Dowladda Hoose oo ka soo iibsatay Kooxda Kubadda Cagta ee Ciidanka Asluubta oo ka tirsan magaalada Hargeysa.

Munaasibad lagu soo bandhigay Ciyaartoyga iyo qaddarka lacagta lagula kala wareegay oo ku qabsoontay Hargeysa, waxa goob-joog ka ahaa oo ka qayb-galay masuuliyiin ka socday Xidhiidhka Kubadda cagta ee Somaliland iyo masuuliiin ka kala socday Dowladda Hoose iyo Kooxda Asluubta.

Kooxda Dowladda Hoose ee Hargeysa, waxa ay ciyaartoyga ka bixisay Qaddar Lacageed oo dhan 11 Milyan & 500 Kun oo Shilinka Somaliland oo u dhiganta $1,337 Dollar, kaas oo noqonaya ciyaartoygii ugu qaalisanaa suuqa kala iibsiga Ciyaartoyga Kubadda Cagta ee Somaliland.

Warkan oo faahfaahsan iyo hadalladda masuuliyiinta ka daawo muuqaalka Hoose