“Hargeysa waxa laynoogu Keenay Dhaqankii Reer Galbeedka” – Xildhibaan Dhaliilay Go’aan ka soo baxay Xukuumadda

Hargeysa (SLpost)- Xildhibaan Maxamed Yaasiin Dheeg oo ka tirsan mudaneyaasha Golaha Guurtida Somaliland, ayaa dhaliilay go’aan ay soo saartay Wasaaradda Diinta iyo Aw-Qaafta oo masaajiddada ku yaala magaalada Hargeysa ku amartay inaanay isticmaalin makarafoonnada Codkoodu dibadda u baxaan xilliyada Salaadda Tahajudka.

 

Agaasimaha Guud ee Wasaaraddaas ayaa dhawaan go’aankan saxaafadda u mariyey imaamyada iyo mu’adiniinta masaajiddada oo ay ku amreen inay isticmaalaan sameecadaha gudaha masaajidka maadaama ay jiri karaan dad bukaan ah oo jaar la ah isla markaana aan awoodin gudashada Salaadda.

 

Xildhibaan Dheeg waxa uu tallaabadan ku tilmaamay dhaqan aan ka jirin dalalka Islaamka balse ah mid lagaga dhaqmo waddamada aan haysan diinta Islaamka balse ay ku nool yihiin dadka Muslimiinta ahi.

 

FAAHFAAHINTA WARKAN KAGA BOGO MUUQAALKA HOOSE