Hargeysa: Wasiir hore oo Xabsiga loo taxaabay

Advertisement

Hargeysa (SLpost)- Ciidammada Booliska Somaliland ayaa magaalada Hargeysa ku xidhay Shucayb Maxamed Muuse oo ah Musharax Xisbiga UCID uga sharraxan Doorashada Golaha Wakiillada, gaar ahaan gobolka Maroodijeex.

Xoghayaha Warfaafinta ee Xisbiga UCID Yuusuf Kayse Cabdilaahi, ayaa warbaahinta u xaqiijiyey in ciidammada ammaanku xabsiga u taxaabeen Wasiirkii hore ee Wasaaradda wershadaha xukuumaddii Madaxweyne Siilaanyo, immika ah murashax u taagan Golaha Wakiillada Shucayb Maxamed Muuse.

Ilaa hadda ma cadda sababta dhabta ah ee lala xidhiidhin karo Xadhiggiisa, haseyeeshee toddobaadkan gudihiisa oo uu warbaahinta la hadlay, waxa uu Xukuumadda madaxweyne Muuse Biixi ku eedeeyey inay ku hawlan tahay sidii ay u fashilin lahayd damaciisa murashaxnimo, isaga oo sheegay in lagula kacay tallaabooyin murashaxnimadiisa lagu wiiqayo.  

Advertisement

Murashax Shucayb Maxamed Muuse waxa uu hore u soo noqday Maayarka magaalada Gabiley ka hortii aanu xilka wasiirnimo ka qaban xukuumaddii hore ee xisbiga Kulmiye.

Somalilandpost.net

contact@somalilandpost.net

Advertisement