Hargeysa: Wadaad Xabsiga loogu taxaabay Taageero uu u muujiyey Xasuuq Koox Dabley ahi ka fulisay Dalka Kenya

shmaxamuud_geelleHargeysa (SLpost)- Ciidamada Amaanka ee magaalada Hargeysa, ayaa xalay Xabsiga u taxaabay Sheekh Maxamuud Cabdilaahi Geelle oo abaaro Salaaddii Cishaa’i kadib laga qabtay Gurigiisa oo ku yaala Xaafadda Jig-jiga yar ee degmadda Ibraahim Koodbuur oo uu wakhtigaas ku sugnaa.

Inkasta oo aan si dhab ah loo ogayn sababta xadhiggiisa wakhigan, hadana wararka laga helay xidhitaankiisa ayaa lagu sheegay inuu la xidhiidho hadalo uu todobaadkan Warbaahinta ka sii daayey oo uu ku taageeray Weerarkii kooxda Al-Shabaab ku qaaday dhismihii xarun ganacsi oo ku taala Magaaladda Nairobi ee dalka Kenya, kaas oo ay ku naf-waayeen dad tiradoodu gaadhayso 67 qof oo shacab iyo ciidamada Ammaanka isugu jiray.

Sidoo kale Maxamuud C/laahi Geelle ayaa waxa uu si adag u naqdiyey Xeerkii Horumarinta Wadooyinka ee Cashuurta ku kordhinayey Gaadiidka iyo Xoolaha ee ay dhawaan Golaha Wakiiladda Somaliland ay Ansixiyeen.

Xadhigan xalay xabsiga loogu taxaabay waddadkan ayaan noqonaynin kii ugu horeeyey balse xukuumadda Xisbiga Kulmiye iyo Xukuumadihii ka horeeyeyba ayaa iyagu sidan oo kale marar badan u xabsiga ugu taxaabay Sheekhan oo tan iyo wakhtigaas aan isagu marnaba la imanin wax tanaasul ah oo uu kaga noqonayo Mawqifkiisa, inta badana marka uu muddo xidhnaado la iska soo daayo.

Sheekh Maxamuud Cabdilaahi Geelle oo Saddexdii sano ee xukuumadda Madaxwayne Siilaanyo talada haysay tiroba dhawr jeer Xabsiga loo taxaabay iyada oo lagu eedaynayo inuu sharciga dalka ka hor yimi, isla markaana hadalo xagjirnimo ka muuqato Warbaahinta ka sii daynjiray, ayaa markii u horreysay bulshada Somaliland magaciisa ka wada-war heshay ka dib markii 11-kii Bishii December 2011-kii uu magaalad Hargeysa kaga dhawaaqiyey Urur Diimeed, wakhtigaas oo ay dalka ka samaysmayeen urur-siyaasadeedyadii ka qayb-qaatay doorashadii goleyaasha deegaanka ee dabayaaqadii sannadkii 2012-dii ka dhacday dalka.

SOMALILANDPOS.INFO

contact@somalilandpos..net