Hargeysa: Suxufiyiin ka hawl-gala HadhwanaagNews oo xoriyaddooda dib u helay

Hargeysa (SLpost)- Suxufiyiin ka hawlgala shabakada Wararka ee HadhwanaagNews oo laba todobaad ku dhow xidhnaa, ayaa maanta xoriyadooda dib u helay, sida uu xaqiijiyey Ururka Suxufiyiinta Somaliland ee SOLJA.

Suxufiyiinta HadhwanaagNews oo kala ah Cabdirisaaq Good iyo Cabdiqani Asporo, ayaa ururka SOLJA sheegay in lagu sii daayey damaanad ay ka shaqeeyeen.

Suxufiyiintan ka tirsan Hadhwanaag ayaa xadhigoodu yimid kadib markii dhawaan Maxkamada Gobolka Maroodi jeex ay shirkadaha Isgaadhsiinta ku amartay inay xayiraan Shabadda kadib markii ay daabacwaday warar ku saabsan eedo musuqmaasuq oo ay ka qortay Gudoomiyaha Bangiga dhexe ee Somaliland Cali Baqdaadi.

Sidoo kale, waxa isla maanta xayiraadda laga qaaday shabakadda wararka ee HadhwanaagNews oo saddexdii todobaad ee u dambeeyey xayiraad xagga Internetka ah la saaray, iyadoo aan laga booqan karin gudaha dalka. Haseyeeshee, ma jiro amar xayiraadda lagaga qaaday oo la shaaciyey.

Somalilandpost.net
somalilandpost@live.com