Hargeysa: Suldaanka Guud ee Beesha Yaasuf Isaaq (Sacad Muuse) oo munaasibad Bilan lagu caleemo-saaray

caleemo-saarka suldaan Khadar Suldaan Xuseen

Hargeysa (SLpost)- Suldaanka Guud ee Beesha Yaasuf Isaaq (Sacad Muuse) Suldaan Khadar Suldaan Xuseen Ismaaciil Geelle, ayaa maanta lagu caleemo-saaray magaalada Hargeysa.

Suldaan Khadar oo dhawaan la wareegay xilka saldanadda kaddib markii uu geeriyooday Aabihii Suldaaan Xuseen Ismaaciil, waxa Isniinta Maanta lagu caleemo-saaray munaasibad bilan oo ku qabsoontay Hotel Maansoor ee magaalada Hargeysa.

Waxa munaasibadda caleemo-saarka ka qayb-galay madax-dhaqameed isaga kala yimi deegaannada Soomaalida oo ay ugu horeyso Dowad-deegaanka Soomaalida Ethiopia oo mid ah deegaannada Beeshu degto, xubno ka socday Golaha Wasiirrada, madaxda Xisbiyada, Ganacsato, Aqoonyahan, Haween, Dhalinyaro iyo marti-sharaf kale.

Qaar ka mid ah madax-dhaqameedkii ka soo qayb-galay xaflad ayaa si weyn u soo dhaweeyay caleemo-saarka Suldaanka cusub ee beesha Yaasuf Isaaq Sacad, Suldaan Khadar Suldaan Xuseen Ismaaciil oo ay madasha uga jeediyeen weedho dardaaran iyo duco xambaarsan.

Siyaasiyiin kala duwan oo madasha hadallo ka jeediyey, ayaa iyaguna suldaanka ugu duceeyay in Alle ku asturo masuuliyada culus ee uu qaaday.

Madax-dhaqameedkii xafladda ka qayb-galay oo ugu horeeyo Suldaan Maxamuud Suldaan Axmed Sheekh, ayaa ku caano-shubay isla markaana caleemo-saaray Suldaan Khadar Suldaan Xuseen Ismaaciil.

Suldaanka Guud ee Yaasuf Isaaq Suldaan Khadar Suldaan Xuseen Ismaaciil, ayaa kalmad mahadnaq u jeediyay dadweynihii kale duwanaa ee ka soo qayb-galay xafladda oo uu ka dalbaday inay ugu duceeyaan in Eebbe ku asturo xilka uu masuuliyaddiisa dusha u ritay, waxaanu ballan-qaaday inuu caddaalad ku hoggaamin doona bulshada uu xilkooda dhaqan dusha u ritay isla markaana uu nabadda iyo horumarka kala shaqayn doono beelaha kale ee ku dhaqan Somaliland iyo kuwa dalalka deriska ahba.

Muuqaalka Hoose ka daawo Hadalladii laga jeediyey Munaasibadda Caleemo-saarka Suldaan Khadar Suldaan Cabdilaahi

Suldaan Khadar Suldaan Xuseen waxa uu marti-sharaftii munaasibadda ka qayb-gashay ka codsaday inay u duceeyaan Aabihii Marxuum Suldaan Xuseen Ismaaciil oo muddo toban sanno ka badan k amid ah madax-dhaqameedka Somaliland iyo kuwa dowlad-deegaanka Soomaalida Ethiopia.

“Aabahay wuu geeriyooday oo maanta wuu innaga hooseeyaa, waxaan ka codsanayaa inaad ugu ducaysaan in Illaahay Jannooyinkiisa ugu deeqo. Saldanadduna way xannaf badan tahay dhammaan in la saamaxo,” Sidaas ayuu yidhi Suldaan Khadar Suldaan Xuseen Ismaaciil.

DAAWO SAWIRRADA XAFLADDA CALEEMO-SAARKA SULDAANKA GUUD EE YAASUF ISAAQ