Hargeysa: Qoysas ku barakacay Roobab Caasimadda ka da’ay oo Gargaar la gaadhsiiyey

Hargeysa (SLpost)- Gudoomiyaha Hay’adda u diyaar-garowga Masiibooyinka Iyo Kaydka Raashinka Qaranka Faysal Cali Sheekh oo uu weheliyo Maayarka Caasimadda Hargaysa C/kariin Axmed Mooge ayaa Maanta deeq raashin ah iyo agab kale gaadhsiiyey qoysas uu waxyeello ka soo gaadhay Roobab mahiigaan ah oo dhawaan ka da’ay Magaalada Hargeysa.

Qoysaska Taakulada la gaadhsiiyey oo ka kooban 116 Qoys ayaa ku kala nool degmooyinka Maxamed Mooge iyo 31-ka May ee Caasimadda Hargaysa.

Guddoomiyaha Hay’adda u-diyaar-garowga Masiibooyinka Iyo Kaydka Raashinka Qaranka Faysal Cali Sheekh, ayaa faahfaahin ka bixiyey xaafadaha ay ku kala nool qoysaska tabaaladu soo gaadhay iyo raashinka loo qaybiyey, waxaanu sheegayin 81 Qoys oo ku dhaqan degmada Maxamed Mooge iyo 35 Qoys oo ku nool Degmada 31-ka May la gaadhsiiyey gargaarka.

Waxa uu sheegay Gudoomiye Faysal inay Qoys walba gaadhsiiyeen Raashin isugu Jira 20 Kiiloo oo Bariis ah, 20 Kiiloo oo Sonkor ah, 25 Kiiloo oo Daqiiq ah, 10 Kiiloo oo Baasto ah, Laba Caagadood oo Saliid ah, Hal Buste iyo hal Bac ah.

Maayarka Caasimadda Hargaysa Cabdikariin Axmed Mooge ayaa dhankiisa u mahadnaqay Hay’adda u diyaar garowga Masiibooyinka iyo Kaydka Raashinka qaranka ee Deeqda gaadhsiisay dadka danyarta ah ee ku dhaqan degmooyinkaasi ka tirsan Caasimadda.