Hargeysa: Qaylo-dhaan ka Dhan ah Farmaajo oo looga diray Midowga Murashaxiinta iyo Madaxda maamul Goboleedyada Soomaaliya

Hargeysa (SLpost)- Siyaasi Ismaaciil Cabdilaahi oo ka mid ah bulshada reer Hargeysa, ayaa Midowga Murashaxiinta Soomaaliya iyo Madaxda Maamul-goboleedyada ka biyo-diidsan siyaasadda Dowladda Federaalka ah uga digay shirqool qarsoon oo Farmaajo la damacsan yahay inuu ku sii haysto kursiga madaxweynaha ee dalkaas.

Ismaaciil Cabdilaahi oo warbaahinta qaarkeed ka duubtay muuqaal uu ku falan-qeeyey siyaasadda xilligan ee Soomaaliya iyo hoggaaminta madaxweyne Maxamed Cabdilaahi Farmaao, waxa uu uga digay qorsheyaal uu sheegay inay u qorsoon yihiin Farmaajo oo uu ku damacsan yahay inuu ku sii hayso kursiga madaxweynaha isagoo isticmaalaya awood ciidan isla markaana uu cabsi galiyo siyaasiyiinta mucaaradka ah iyo madaxda maamul-goboleedyada ka biyo-diiday siyaasaddiisa hoggaamineed.

Waxa aanu halkan idiinku soo gudbinaynaa Muuqaal uu siyaasigani ku falan-qeeyey arrintan iyo qodobbo kale.