Hargeysa oo markii u horeysay yeelanaysa Wershad Biyaha Wasakhda ah lagu sifeeyo

 

Hargeysa (SLpost)- Duqa Degmada Hargeysa ahna Guddoomiyaha Golaha Deegaanka Caasimadda, ayaa maanta dhagax-dhigay dhismaha wershad loogu talo-galay in lagu sifeeyo Biyaha Wasakhda ah oo siyaabo kala duwan oo deegaanka ku habboon looga faa’idaysan karo.

Nidaamka ay Wershadani u shaqaynayn doonto ayaa loo isticmaalaa in wasakhowga lagaga saaro Biyaha aan nadiifta ahayn ee dooxyada iyo Biyo-mareennada oo loo beddelayo Biyo nadiif ah oo siyaabo kala duwan loo isticmaali karo.

Advertisement

Mashruuca hirgelinta Wershadda oo afka Qalaad lagu magacaabo Wastewater Treatment Facility (WWTF), waxa maalgelintiisa bixinaya hay’ad lagu magacaabo KFW oo laga leeyahay dalka Jarmalka, ayaa la sheegay inuu qayb ka yahay Mashruuca Biyo-ballaadhinta Hargeysa.

Warkan oo Faahfaahsan ka daawo Muuqaalka Hoose

Somalilandpost.net

contact@somalilandpost.net

Follow us On