Hargeysa oo laga Xusay Maalinta Caalamiga ah ee HIV/AIDS iyo Waxyaabihii ku cusbaa Sannadkan

 

Hargeysa (SLpost)- Madaxweyne ku xigeenka Jamhuuriyadda Somaliland Mudane, Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici) ayaa maanta ka qeyb-galay munaasibad loo qabtay Xuska maalinta Caalamiga ah ee AIDS-ka oo loo asteeyey 1 bisha Decebeer, taas oo ay soo qaban-qaabiyeen Komishanka Xakamaynta HIV/AIDS ee Somaliland.

Waxa munasibadda Madaxweyne ku xigeenka ku wehelinaayey Wasiirka Wasaaradda shaqo-gelinta Arrimaha Bulshada iyo qoyska, Marwo Hinda Jaamac Xirsi Gaani, Wasiirka Wasaaradda Diinta iyo Awqaafta Sheekh Khaliil Cabdilaahi Axmed, Agaasimaha Fulinta ee Komishanka HIV/AIDs ee SOLNAC oo ay weheliyaan masuuliyiinta kale ee hay’addaas, Dr Edna Aadan Ismaaciil iyo marti-sharaf kale.

Agaasimaha Komishanka Xakamaynta AIDS-ka Cabdishakuur Ismaaciil Muumin oo halkaasi ka hadlay ayaa sheegay in sannadkan 2020 la baadhay dad ku dhaw 2,500 (laba kun iyo shanboqol) oo qof islamarkaana laga helay 119-qof, taas oo wadarta guud ee Bulshada ka noqonaysa 5%, waxaana uu xusay in guud ahaanba dadka xanuunka la nool gudaha Somaliland lagu qiyaaso 5,500 oo qof kuwaasi oo ku kala sugan gobolada iyo degmooyinka Dalka.

Waxaa kale oo Agaasimaha SOLNAC uu sheegay in sannadkan uu takoorku kor u dhacay 63%, sidoo kalena ay guddida komishanku tageen iskuulo ardayda waalidkood la nool yahay xanuunka laga soo eryey oo ay soo xaliyeen, waxaana uu hoosta ka xariiqay in loo baahan yahay in kor loo qaado wacyiga bulshada si aan dadka xanuunkaasi la nool aanay u dareemin takoor.

Madaxweyne ku xigeenka Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane, Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici) oo gebagebadii madashaasi ka hadlay ayaa sheegay in loo baahan yahay in dadka la nool Xanuunka AIDs-ka aan la takoorin islamarkaana kor loo qaado wacyiga Bulshada si loogu baraarujiyo inaan xanuunkan lagu kala qaadi karin Salaanta wax dhigashada iyo inta la hal maasha balse uu yahay xanuun jidhka ku dhex jira oo laysugu gudbin karo dheecaan oo keliya.

Madaxweyne ku xigeenku waxa uu sheegay inay ka xukuumad ahaan ay diyaar u yihiin in marwalba la laban laabo Xakamaynta Xanuunkaasi si bulshadu u noqoto mid caafimaad qabta, waxaana uu Komishanka iyo Hay’addaha la shaqeeya ku dardaaray inay sii wadaan hawsha ay Qaranka u xilsaaran yihiin.

Waxa kale oo munaasibadda ka hadlay shaqsiyaad la nool caabuqa HIV oo soo bandhigay saamaynta ay bulshada kala kulmaan. Hooyo ka mid ah dadka la nool xanuunka HIV-ga ayaa munaasibadda ka sheegtay inay faquuq xad-dhaaf ah la kulmaan, dhibaatooyin-na ka soo gaadhaan bulshada, iyadoo xustay inay taasi gaadhay heer ubadkeeda loo oggolaan waayo in ay waxbarashada tagaan, dugsiyo badanna looga caydhiyay kaliya maadaama oo hooyadood la nooshahay caabuqa HIV-ga.

 

Somalilandpost.net

Somalilandpost.net