Hargeysa: Nin 20 Sanno Xabsi ku Xidhnaa oo $15 Kun lagu wareejiyey

 

Hargeysa (SLpost)- Samafale Cabdimaalik Sheekh Muuse Coldoon, ayaa lacag dhan $15Kun guddoonsiiyay Maxamed Muuse Gamteesa oo ahaa maxbuus muddo 20-sanno ah ku xidhnaa xabsiga dhexe ee magaalada Hargeysa.

Cabdimaalik ayaa sheegay in lacagtan oo ay soo bixiyeen Qaybaha kala duwan ee bulshada Somaliland, gudaha iyo dibaddaba, lagu soo hagaajiyay Barnaamijka Kaalmee Kuwan oo uu isagu guddoomiye ka yahay.

Samafale Cabdimaalik Sheekh Muuse Coldoon waxa uu uga mahad celiyay bulshada lacagta soo ururisay meelkasta oo ay joogaan.

“Maanta waxaa aanu halkan ku guddoonsiinayna maxbuuskii 20-ka sanno xidhnaa ee soo baxay laba toddobaad ka hor, waxaanu halkan ku guddoonsiinayna lacag gaadhaysa 15-kun oo dollar, isla markaana ay soo direen walaalo samafalayaal ah, oo dalka gudihiisa iyo dibadiisaba jooga, ILLAAHEY kheyr haku abaal mariyo.

Waxaa ay lacagtaasi u soo direen walaalkeen si ay garab u siiyaan, maadama uu muddo dheer xidhnaa una baahan yahay in uu nolol cusub bilaabo, dadkaasi oo kuwana aanu garanayno kuwana aanan garanayn, isla markaana go’aansaday in walaalkood garab siiyaan,” Sidaas waxa yidhi Cabdimaalik Muuse Coldoon.

“Lacagta waxaa lagu soo haggaajiyay annaga oo ah kaalme kuwan, oo ah barnaamij warbaahineed Samafala, kana shaqeeya is tuska dadka danyarta ah iyo inta ladan ee wax bixinaysa.”

Maxamed Muuse Gamteesa, ayaa uga mahadceliyey barnaamijka ‘Kaalme Kuwan’ iyo bulshada dalka gudihiisa iyo dibadiisaba sida ay uga farxiyeen una soo caawiyeen.

“Walaalkay ii hawl galay ee ii shaqeeyay waan soo dhawaynayaa ILLAAHEY kheyr ha siiyo janatul Fardowsana waan ugu ducaynayaa, walaalkayga shan iyo tobanka kun ee dollar i siiyay, shan kun iska daaye maan filayn lacagta intan le’eg,” ayuu yidhi Gamteesa oo dhalasho ahaan ka soo jeeda qoomiyadda Oromada ee dalka Ethiopia.

Somalilandpost.net

contact@somalilandpost.net