Hargeysa: Murashax Tartanka Doorashada uga Tanaasulay Maayarka Caasimadda

Advertisement

 

Hargeysa (SLpost)- Murashax Cabdirisaaq Ismaaciil Maxamed (Kildhi) oo ka mid xubnaha isu soo sharraxay Golaha deegaanka Caasimada Hargeysa, ayaa maanta ku dhawaaqay in uu hankiisa uga tanaasulay Maayirka Hargeysa Cabdiraxmaan Maxamuud Caydiid oo ay isku deegaan ka soo jeedaan.

Murashaxan ayaa sheegay in uu aqbalay go’aanka Odayaasha Beeshu ku soo xuleen Murrashaxa Golaha Deegaanka, isagoo u tudhaya masiirka Beesha iyo mustaqbalkiisa siyaasiga ah.

Advertisement

Kulan hadhimo-sharafeed ah oo uu goob-joog ka ahaa duqa Magaalada Hargeysa, ayuu Cabdirisaaq ka shaaciyey go’aankiisa.

Siyaasi Cabdirisaaq Kildhi, ayaa ka tirsan Xisbiga Mucaaradka ah ee Waddani oo xilal kala duwan ka qabtay, isagoo hore u soo noqday Guddoomiyihii ololaha Doorashada ee Gobolka Maroodijeex ugu xil-saarnaa Xisbiga Waddani doorashadii madaxtooyada sannadkii 2017-kii.

 

Somalilandpost.net

contact@somalilandpost.net

Advertisement