Hargeysa: Munaasibad lagu Daah-furay Todobaadka Falanqeynta Hiigsiga Horumarka Caasimadda iyo Arrimo lagu soo bandhigay

Hargeysa (SLpost)- Munaasibad ballaadhan oo lagu daah-furay todobaadka Falan-qeynta Hiigsiga Horumarinta Caasimadda oo ay soo qaban-qaabisay dowladda hoose ee Hargeysa, ayaa maanta lagu qabtay magaalada Hargeysa.

Madashii Daah-furka ee munaasibadda waxa ka qayb-galay Madaxweyne ku-xigeenka Somaliland Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici), Wasiirrada Arrimaha Gudaha, Wasiirka Horumarinta Waxbarashada, Wasiirka Horumarinta Biyaha, Maayarka iyo Maayar ku-xigeenka Caasimadda, Guddoomiyaha Gobolka Maroodijeex, Safiirka Dowladda Ingiriiska, Saraakiil ka socotay hay’adaha Caalamiga ah, Aqoonyahanno, Wax-garad, Dhalinyaro & Haween iyo Marti-sharaf kale.

Waxa ugu horeyn munaasibadda ka hadlay Maayarka Magaalada Hargeysa Cabdiraxmaan Maxamuud Caydiid (Soltelco) oo sharraxaad ka bixiyey muhiimadda barnaamijka noocan ahi u leeyahay odoroska iyo qorshe-dejinta mustaqbal ee horumarka Caasimadda Hargeysa.

 

FAAHFAAHINTA WARKAN KAGA BOGO MUUQAALKA HOOSE