Hargeysa: Muddo-kordhin loo sameeyey Diiwaangelinta iyo Goobo Cayiman oo ay ka socon doonto

 

Hargeysa (SLpost)- Guddiga Doorashooyinka Qaranka, ayaa muddo-kordhin dhowr maalmood ah ugu daray degmada Hargeysa diiwaangelinta Codbixiyeyaasha, kaddib markii ay Arbacada maanta soo gebo-gabawday muddo afar maalmood ah oo hore loogu qoondeeyey inay diiwaangelintu ka socoto.

Maayarka Caasimadda Cabdiraxmaan Maxamuud Caydiid (Soltelco), ayaa faahfaahiyey Goobaha ay Diiwaangalinta Codbixiyeyaashu Ka Sii Shaqayn Doonta Degmada Hargeysa oo muddo kordhin Laba ilaa toddoba maalmood u dhaxaysa loogu daray deegaamada hoos yimaadda degmada Hargeysa ee caasimadda dalka.

Advertisement

Muuqaalka HOose ka daawo hadalka Maayarka Caasimadda

Follow us On