HARGEYSA: Mishiinnada Wakaaladda Korontada oo gebi ahaanba Fadhiistay, Xukuumadda oo Waxba ka Qaban-weyday iyo Talooyin ay soo Jeediyeen Injineerrada Gacanta ku haya Farsamadeeda

Hargeysa (SLpost) Farsamo-yaqaannada Wakaaladda Korontada Hargeysa, ayaa shaaca ka qaaday inay fadhiisteen dhammaan mishiinnadii Korontada  shidayey isla markaana aanay jirin wax-qabad iyo taakulo xukuumadda dhexe ku soo kordhisay wershadda, wakhtiganna loo baahan yahay qorshihii lagu waajihi lahaa xal rasmi oo loo helo duruufaha ku xeeran wax-qabadka Wakaaladda Korontada.

engenWakaaladda Korontada ee Hargeysa oo adeegga Laydhka siisa in ku dhow boqolkiiba 30 gurayaha, meheradaha iyo xafiisyada dawladda ee magaalada Hargeysa, ayaan wax adeeg koronto ah bixin todobaadyadii u dambeeyey, taas oo tirada dhowr jeer soo noqo-noqotay isla markaana shaqo-la’aanteedu ay galaafatay Masuuliyiin hore ugu magacownaa maamulkeeda oo dhaliilo musuq-maasuq loo jeediyey.

Maamulka iyo farsamo-yaqaannada Wakaaladda Korontada oo maanta war-fidiyeennada kula hadlay xaruntooda, ayaa soo bandhigay caqabadda hortaagan inay wakaaladda Korontada Hargeysa si waafi ah u hano-qaado isla markaana ay daboosho baahida Leydh ee Caasimadda Hargeysa.

Engineerka Guud ee Hay’adda Korontada Hargeysa Eng Axmed Maxamed Xaaji Aadan oo ka mid ahaa Saraakiishii warbaahinta u warramay, ayaa ugu horrayn tilmaamay in Ijiinada Haatan Xumaaday ay yihiin kuwo gaboobay oo shaqaynayey muddo ka Badan intii loogu talo Galay,

“Waxaanu dadkayga u sheegaynaa in mar walba dhibka meeshan ka jirta hoos loo dhigayey oo la yaraysaneyey, sannadkii 1982-kii ayaa halkan  la dhigay Mishiinka ay maanta reer Hargeysa wax ka doonayaan, haba la dhigee Xataa wax dayactir ah laguma Samaynin mishiinadaas marka laga Reebo 1986-dii oo mar la maydhay, ilaa iyo imikana mishiinkaasi wuu shaqaynayey, waxana uu shaqaynayey in ku dhaw Toddobaatan kun oo saacadood,” ayuu yidhi engineer Axmed.

Engineerka ayaa sidoo kale sheegay Dawladdu ay inta Badan marka ay isku daydo inay Warshadda Waxtarto ay awoodda Saari jitey sidii ay ugu bixin lahayd Daymaha lagu leeyahay, waxana uu yidhi, “annaga wax naloo dhiibay oo xagga injiinada ahi ma jirin, mudnaanta koowaadna waxay dawladdu siin jirtey xagga daymaha, waxana la ilduufay wax badan oo ka muhiimsanaa, ujeeddaduna waxay  ahayd ma guuxaysaa uun, taasina  maanta waxa ay noqotay ma Guuxayso.”

Eng. Axmed ayaa  ka warbixiyey kulan ay hormoodka Wakaaladdu la yeesheen Guddi uu Madaxweyne ku xigeenka Somaliland hormuud u ahaa, taas oo Natiijadii ka dhalatay aanay Saraakiisha wakaalladu ku farxin, waxana uu yidhi, “Waxan raacay Maareeyaha iyo ku-xigeenka wakaallada, waxana aanu u tagnay Wasiirka Hawlaha Guud iyo madaxweyne ku-xigeenka, kulankii aanu yeelanayna waxa nooga muuqatay innaanay waxba meesha ka soo Naaso Caddayn, waxana  ay Noqotay in la  yidhaahdo Dawladdu waxba ma maamuli karto sidaa Darteed waaba la iibinayaaba, Dawladda iyo cid kale Haddii ay wax isku darsadaana waa iska caadi,”

Eng. Carab oo isaguna ka Tirsan Saraakiisha wakaallada Korontada Hargeysa, ayaa xusay inay Dhibaato badan ku qabeen Injiinada Haatan Fadhiistay, isagoo intaas ku daray in agabka ay isticmaali jireeen ahaa mid  gaboobay oo aan la heli karin biraha ka xumaada.

Dhinaca kale, Agaasimaha Maamulka iyo lacagta ee Wakaallada Korontada Hargeysa, ayaa sheegay inay Dhammaan Goobaha Xaasaasiga ah sida Jeelasha, Saldhigyada, Cisbitaalka Guud ee Hargeysa, Xarumaha Ciidanka kala duwan ee Somaliland, Wasaaradaha iyo Guluubadda Ammaanka loogu talo galay ee Waddooyinka Badhtamaha Caasimadda ay iyagu shidi jireen, taasina aanay ku Habboonayn in Cid  gaar ah lagu wareejiyo.

Laydhka Dawladda ayaa Maqan Habeenkii Lixaad, waxana Saaka Barxadda Hore ee Wakaaladda Korontada soo Buuxdhaafiyey Dadweyne Bixinayey Lacago lagu Lahaa, kuwaas oo u tafo xaydan sidii ay Koronada Gaarka loo leeyahay u gashan lahaayeen, maadaama oo ay ka caalwaayeen Laydhkii Dawladda.

Hadalkan ay Madaxda Hay’adda Korontadu ku sheegayaan in lagu Iibinayo Ha’yadda, ayaan ahayn mid dibadda u soo baxay, waxana kaliya uu dhex maray Iyaga iyo Guddida Madaxweyne-ku-xigeenku Madaxda ka Yahay oo ay sheegeen inay la Kulmeen.

Cillada Haysata Hay’adda Korontada Hargeysa, ayaa in Badan soo Noqnoqotay, waxana intii xukuumaddani jirtey soo Baxayey Fadeexado hore loogu eryey Maareeyihii hore ee wakaallada oo musu-maasuq la eedeeyey,iyadoo ilaa iyo Hadda aan La Haynin Xal rasmi ah oo Wakaaladda lagu sii wadi karo.

Somalilandpost.net/Hargeysa