Hargeysa: MASUUL soo Faqay Dhaliilaha MASUULKII uu Martida u ahaa iyo Jewigii Madasha

Amakaagga Martidii Madaxweyne ku-xigeen ku jiray iyo Mash-xaraddii Shaqaalaha Madbacadda Qaranka

 

Hargeysa (SLpost)- Guddoomiyaha Hay’adda Barakacayaasha iyo Arrimaha Qaxoontiga ee Somaliland Mr. Cabdikariin Xuseen Xinnif, ayaa hadal uu ka jeediyey madal lagu daah-furay dhisme iyo qalab cusub oo lagu kordhinayo Madbacada Qaranka, waxa uu ku beyaamiyey dulmi iyo duruufo ay qabaan Shaqaalaha Madbacaddaasi ka howl-gala, isagoo tilmaamay in maamulka looga baahnaa in ay daryeelka Shaqaalaha ka hor mariyaan ballaadhinta dhismeyaasha iyo qalabka.

Munaasibadan oo uu ku sugnaayeen Madaxweyne ku-xigeenka Somaliland Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici), Maayarka Caasimadda Cabdiraxmaan SOLTELCO iyo masuuliyiin kale oo ka socday madaxtooyada iyo laamaha kale ee Xukuumadda, ayaa waxa sidoo kale laga sheegay in Madbacada Qaranku tayo ahaan ka hoosayso dhammaan madbacaddaha kale ee dhiggeeda ah.

Guddoomiye Xinnif oo ka hor khudbadaynaya Maareeyaha Madbacadda Maxamuud Raage oo isaga marti loo ahaa, waxa hadalladiisa ka mid ahaa, “Mishiino keen ama Daaro dhis ama laamiyo dhis, waxaasoo dhami waxba ma soo kordhiyaan haddii aan la hayn cidii ku shaqaynaysay, waayo shaqaalluhu haddaanu daryeel haysan waxba ma tarayaan waxaad kordhisaa, muhiimadda waxa la siiyaa dadka waxan ku shaqaynaya oo daryeel iyo dhiiri-gelin u baahan”, ayuu yidhi Mr Xinnif.

Isaga oo hadalkiisa sii watay, waxa uu yidhi, “Waligay waxaan maqlayey laba biloodbaanay mushahar qaadan Shaqaaluhu iyo saddex bilood baanay qaadan”, ayuu sida waranka ugu ganay Maareeyaha oo wejigiisa laga dheehanayo sida dareenkiisu isu-beddelay markii uu hadalkan sheegayey masuulka martida ku ahaa goobta. 

Waxa kale oo iyaguna mar qudha dhegta wada taagay masuuliyiintii madasha fadhiday, halka ay shaqaalihii xaflada joogay sacab iyo farxad oogsadeen, taasoo iyaduna waji-gabax kale ku sii noqotay Maareeye Maxamuud Raage iyo masuuliyiinta ka hoosaysa, marti-sharafta uu Madaxweyne ku-xigeenku kamid yahay dhabanno hays ku noqotay.

Muuqaalka Hoose ka Daawo Faahfaahinta Warkan iyo Jewigii Madasha laysku Maagay

Si kastaba ha ahaaatee, weerarka badheedhka ah ee uu ku Cabdikariim Xinnif ku qaaday Maareeye Maxamuud Raage, ayaa u muuqda Aargoosi siyaasadeed oo salka kuhaya khilaaf gaamuray oo dhexmaray labadan Masuul oo labadooduba kasoo jeeda Bariga gobolka Togdheer isla markaana lagu tiriyo inay yihiin Kaadiriinta Xisbiga Kulmiye.

Khilaafka-siyaasadeedka gaamuray ee Xinnif ku dillaaciyey xafladda, ayaa ku aroora khilaaf soo kala dhex-galay laba masuul oo ka tirsan kaadiriyiinta Kulmiye xilli ay labadooduba xilal ka hayeen Xukuumaddii hore ee Madaxweyne Siilaanyo.

Cabdikariim Xinnif ayaa xilligaas ahaa Agaasimaha Maamulka iyo Lacagta ee Komishanka Xakamaynta Cudurka HIV/AIDs, halka Maxamuud Raage uu ka ahaa Agaasimihii Guud ee Wasaaradda Arrimaha Dibadda. Maxamuud Raage ayaa Xilligaas iska casilay Xilka Agaasimaha Guud isagoo markii dambe hadallo uu ku sababeeyey shaqo-ka-tagistiisa ku duray Masuuliyiin ay ka mid ahaayeen Wasiirkii Madaxtooyada Xirsi Cali Xaaji Xasan iyo Cabdikariim Xinnif laftigiisa, isagoo warbaahinta ka dhaliilay kuna eedeeyey inay maroorsadeen hoggaaminta madaxweynihii la doortay ee xilligaas Axmed Maxamed Siilaanyo.

Somalilandpost.net
editor@somalilandpost.net