Hargeysa: Madaxweyne Biixi oo kormeeray Goobo ay Diiwaangelintu ka socoto

 

Hargeysa (SLpost)- Madaxeynaha Somaliland Md Muuse Biixi Cabdi oo ay weheliyaan guddoomiye ku-xigeenka xisbiga Kulmiye, xubno ka mida golaha Wasiirrada iyo masuuliyiin ka tirsan asxaabta mucaaridka, ayaa kormeeray goobaha ay ka socoto diwaangelinta codbixiyeyaasha Doorashooyinka ee gobolka Maroodi-jeex gaar ahaan caasimada Hargeysa.

Madaxweynaha ayaa isku maray goobo kala duwan oo ku yaalla degmooyinka Magaalada, halkaasoo uu kula kulmay dadweyne safaf ugu jira qaadashada waraaqda codbixinta, waxaanu warbixin ka dhegeystay howl-wadeenada Komishanka ee ku sugan goobaha uu booqday oo uga xog-waramay sida ay hawshu u soco.