Hargeysa: Libaax laba Qof ku dhaawacay Badhtamaha Caasimadda

Hargeysa (SLpost)- Taliyaha Ciidanka Booliska Somaliland Sareeye Guuto Maxamed Aadan Saqadhi (Dabagale) ayaa xaqiijiyey inuu laba Qof oo shacab dhaawacyo u geystay mid kamid ah Libaaxyada uu magaalada Hargeysa ku haysto Siyaasi Cali Maxamed Warancade oo ka baxsaday xero lagu xannaaneeyo oo ku taala Bariga magaaladda Hargeysa.

Taliyaha oo la hadlay warbaahinta dowladda, waxa uu sheegay in Libaaxa baxsaday uu dhaawacay laba qof isla markaana ay ciidanka Boolisku ay wadaan hawlgal balaadhan oo ay ku raadinayaan Libaaxa oo looga cabsi qabo inuu waxyeello u geysto shacabka.

Taliyuhu ma sheegin goobta uu Libaaxu ku dhaawacay laba qof iyo faahfaahintooda, balse wararka aanu helayno ayaa sheegay in labada qof midkood haweenay tahay, halka ka kalena yahay ninkii ilaalinayey, kuwaas oo labadooda xaalladooda caafimaad lagu dabiibayo cusbitaalka guud ee magaalada Hargeysa.

Taliyaha Ciidanka Booliska Somaliland waxa uu dadweynaha u soo jeediyey in ciddii aragtaa Libaaxaas ay ku soo wargeliyaan Ciidamada Booliska.

Ciidammada Ammaanka ee magaalada Hargeysa oo ay wehelinayaan Ciidammada Dab-demiska, ayaa illaa caawa ku gudo-jiray hawl-gallo ay ku baadi-doonayaan Libaaxa.

Somalilandpost.net

contact@somalilandpost.net