Hargeysa: Kulan Lagaga Hadlay Gebagabada Daraasaadka Iyo Qiimeynta Mashruuca Dhabaha Berbera Corridor

Hargeysa (SLpost)- Kulankii sadexaad ee xubnaha guddida heer Qaran (Regional Steering Committee) ee u xil-saaran ilaalinta mashruuca qandaraaska daraasada iyo qiimeynta kama danbeysta ah ee dhismaha Waddada Berbera Tog-wajaale “Berbera Addis Ababa Corridor” ayaa maanta lagu qabtey Huteelka Ambassador ee Magaalada Hargeysa.

Waxaana kulankan lagu soo bandhigay macluumaadka hordhaca daraasada iyo qiimeynta mashruucaas.

kulanka (2)Guddoomiye ku xigeenka Guddida hawshan wadda Fu’aad Axmed Xuseen oo ka hadlaya u-jeedada kulanka ayaa waxa uu yidhi “Waxa maanta kulankii sadexaad isugu yimid guddida heer Qaran (Regional Steering Committee) ee mashruuca Berbera Addis-ababa Corridor, oo ah qeybtii ugu danbeysay ee lagu qiimeynayey Waddada Berbera iyo Tog-Wajaale kharashka geli doona farsamo ahaan iyo faa’iidada laga rabo. Waxaana maanta kulankan lagu soo bandhigay Warbixintii loo  baahnaa oo dhan hor-dhaceedii”

Isaga hadalkiisa sii watana waxa uu yidhi“Maanta marka laga sheekeysto wixii lagu dari lahaa mashruuca ama laga reebayo uu yahay kii gebogebadada ahaa, waxa imika laga doodayaa qiimihii hordhaca ahaa ee lagu qiimeeyey dhismaha waddada iyo madaxda dawlada Hoose ee oo la doonayo inay maanta shirkan kaga hadlaan waddada duleedka Hargeysa mari doonta oo ay marayaan gadiidka Transit-ka ah, Dakadii Berbera, hay’adii waddooyinka Urur Goboleedkii IGAD, Midowga Yurub (EU-da), hay’ada GAUFF, taas oo mashruucan daraasadii la sameeyay 2003-dii, ay ahayd ilaa 150,0000 milyan (Boqol iyo Koton Milan oo Dollar) ilaa 160.0000 (Boqol iyo lixdan Milyan oo Dollar), maanta waxaa mashruuca lagu soo fadhiisiyey laba boqol iyo dhowr iyo todobaatan Milyan oo Dollar inuu ku bixi doono, taas oo sida la rajeynayo, sanadkan 2014 dabayaaqadiisa iyo sanadka soo socda 2015-ka horaantiisa la galayo sidii dhaqaalahan loo heli lahaa, si uu mashruucani uu u bilaabmo dabayaaqada sanadka 2015-ka, iyo bilowgta sanadka 2016-ka”

“Mashruucan in baddan ayaa la filayey inuu sidii la rabay inoogu qabsoomo, innaga (Somaliland) ayaa-ba wax ka qabsaday, oo mashruuci Corridor-ka intii la hadal-hayey 14-sanadood, innaga ayaa-ba wax qabsanay oo waxa u kacday xukuumadeena iyo shacabkeena, maahta wax lagaga maar-maayo, laakiin innaga oo wax walba qabsanay haddii uu yimaado mashruucan Berbera Addis-ababa Corridor meelo kale ayuu inoo galayaa, oo wax inaga lumaya maaha, ama la odhanayo Corridor-kii idinka ayaaba qabsaday oo waa la idinka celinayaa, ee waxa wanaagsan in lagu dedaalo intii la awoodi karo mashruuca Corridor-ka”.Ayuu yidhi Fu’aad Axmed Xuseen.

“Kan Ceerigaabana waa Corridor, oo dadkeenu waxay moodaan Corridor-ka wixii reer Galbeedku bixiyaan, wax baddan oo aynu qabsan karno ayaa jira, laakiin waxaan rajeynayaa inuu mashruucan sidii loogu tallogalay inoogu dhamaado”.Ayuu yidhi Fu’aad Axmed Xuseen.

kulanka (1)Waxaana Xubno ka ah guddida heer Qaran (Regional Steering Committee) xubnaha ay ka midka yihiin Intergovernmental Authority On Development (IGAD), Wasiirka shaqada iyo arrimaha bulshada Somaliland, Wasiirka Qorsheynta Somaliland Dr. Sacad Cali Shire, hay’ada Waddooyinka Somaliland (SRA), hay’ada Waddooyinka Ethiopia (ERA), Dekedda Berbera iyo midowga Yurub (EU-da).

SOMALILANDPOST.NET