HARGEYSA: Kormeer Faysal Cali Waraabe sameeyey oo Fashiliyey Ceebaha Dowladda Hoose ee Caasimadda

 

Hargeysa (SLpost)- Guddoomiyaha Xisbiga Mucaaradka ah ee UCID Eng Faysal Cali Waraabe oo ay weheliyaan masuuliyiin ka tirsan Xisbiga, ayaa saaka kormeer indho-indhayn ah ku maray Suuqa Waaheen ee badtamaha caasimadda Hargeysa.

Guddoomiye Faysal intii uu kormeerkiisa ku gudo-jiray waxa uu la kulmay oo xaaladda ay ku sugan yihiin ka waraystay ganacsatada iyo bacad-yaalka ku xoogsada suuqa faras-magaalaha caasimadda, waxaanay uga xog-warrameen xaaladda ay ku sugan yihiin oo ay ka deyriyeen.

Dadweynuhu waxa ay cabasho xooggan ka muujiyeen wax-qabadka dowladda Hoose ee caasimadda iyo masuuiyiinta hoggaanka u haysa oo ay ku tilmaameen inay ku fashilmeen wax-qabadkii loo igmaday.

Muuqaalka Hoose kaga Bogo Jewigii Kormeerka Eng Faysal Cali Waraabe iyo Cabashadii dadweynuhu hortiisa ka sheegeen

Somalilandpost.net
somalilandpost@live.com