Hargeysa: Hoggaanka Golaha Deegaanka Caasimadda oo Bulshada u soo bandhigay Miisaaniyadda Dowladda Hoose ee sannadka 2020-ka

 

Hargeysa (SLpost)- Fadhi ay maanta yeesheen Masuuliyiinta Dowladda Hoose iyo Guddiyada xaafadaha ee Hargeysa, ayaa lagu ansixiyey Miisaaniyad-sannadeedka ay dowladda Hoose ku shaqayn doonto sannadka soo socda ee 2020-ka.

Fadhiga maanta oo uu shir-guddoominayey Guddoomiyaha Golaha Deegaanka isla markaana ah Duqa Caasimadda Cabdiraxmaan Maxamuud Caydiid (Soltelco) oo uu weheliyo maayar ku-xigeenka Cabdicasiis Caga-weyne iyo Xubno ka tirsan Guddiyada Degmooyinka Hargeysa, ayaa lagu soo bandhigay miisaaniyadda ay dowladda Hoose ku shaqayn doonto sannadka soo socda, iyadoo Maayarku halkaas ugu soo bandhigay guddiyada Xaafadaha Miisaaniyada sannadka soo socda, isla markaasna ay halkaas ku meel-mariyeen.

Miisaaniyadda ay maanta Guddiyada degmooyinka Caasimaddu meel-mariyeen, ayaa la hor-geyn doonaa Gole-weynaha Deegaanka Caasimadda oo ugu dambayn iyagu Ansixin doona Miisaaniyadda Dowladda Hoose.

Warkan oo Faahfaahsan kaga Bogo Muuqaalka Hoose