Hargeysa: Guddiga Qandaraasyada Qaranka oo Daah-furay Lix Mashruuc oo ay ku tartamayaan 113 Shirkadood

 

Hargeysa (SLpost)- Guddiga Qandaraasyada Qaranka ee Somaliland, ayaa maanta daah-furay Lix Mashruuc oo xukuumaddu ka fulinayso gobollada dalka, kuwaas oo ay ku tartamayaan 113 shirkadood oo waddani ah.

Mashaariicda xukuumaddu fulinayso ee tartanka qandaraasyadooda la daah-furay maanta, waxa ka mid ah Dhismaha Rugta Booliska iyo Xarunta Maamulka ee Degmada Yagoori, Dhismeyaal Cusub oo lagu kordhinayo Jaamacadda Nugaal ee gobolka Sool, Xarunta Caafimaadka Dhallaanka iyo Hooyada ee Hara-Sheekh, Dhismaha Jeelka degmada Sallaxley iyo Mashaariic kale.

Munaasibad lagu daah-furay tartanka qaraasyada Lixda Mashruuc oo xukuumaddu ka hirgelnayso dalka oo maanta ku qabsoontay xarunta Guddiga Qandaraasyada, waxa goob-joog ka ahaa oo ka Qayb-galay xubnaha Guddiga, Qandaraasyada, Shirkadaha tartanka ka qayb-galay iyo masuuliyiin kale.

Ugu horeyn, waxa halkaas ka hadlay oo faahfaahin ka bixiyey noocyada Qandaraasyada iyo tirada shirkadaha fulintooda u tartamaya, guddoomiyaha Guddiga Qandaraasyada Qaranka Nuux Maxamed Xuseen.

Warkan oo faahfaahsan kaga bogo Muuqaalka Hoose

 

Somalilandpost.net

contact@somalilandpost.net