Hargeysa: Faahfaahinta Kulan Dhexmaray guddoomiyaha Maxkamadda Sare iyo Safiirka Denmark

Advertisement

 

Hargeysa (SLpost)- Guddoomiyaha Maxkamadda Sare ahna guddoomiyaha guddida cadaaladda Jamhuuriyadda Somaliland garyaqaan Aadam Xaaji Cali Axmed ayaa maanta  xafiiskiisa ku qaabilay safiirka waddanka Denmark Amb. Ole Thonke oo booqasho ku jooga dalka.

War-saxaafadeed ka soo baxay xafiiska warbaahinta u qaabilsan Maxkamadda, ayaa lagu sheegay in safiirka iyo Guddoomiyuhu ka wada-hadleen doorashooyinka Goleyaasha Deegaanka iyo Wakiillada oo la filayo inay dalka qabsoomaan badhtamaha sannadkan.

Advertisement

“Kulanku wuxuu ku bilaabmay is-xog waraysi guud oo la xidhiidha is-kaashiga soo jireenka ah ee ay wadaagaan dawladaha Somaliland iyo Denmark iyo sidii loo sii xoojin lahaa is-kaashigaasi, maadaama safarka safiirku ahaa socdaalkiisii u horeeyay ee isagoo safiir ah uu dalka ku yimaado, sidoo kale waxay guddoomiyaha iyo safiirku ka wada hadleen arrimaha doorashooyinka ee la filayo in ay waddanka ka qabsoomaan, kuwaasi oo garsoorku door muuqda ka qaato marka ay soo gaadhaan arrimaha la xidhiidha doorashadu,” Sidaas waxa lagu sheegay warka ka soo baxay Maxkamadda Sare ee Somaliland.

Sida lagu sheegay wa-saxaafadeedka, Safiirka Denmark ayaa xusay in ay diyaar u yihiin is-kaashi dhinacyo badan taabanaya oo ay la yeeshaan Somaliland, gaar ahaan hay’adda garsoorka dalka, waxaanu ku bogaadiyay horumarka la taaban karo iyo wax-qabad garsoorka dalku ku talaabsaday.

Waxa kale oo war-saxaafadeedka lagu yidhi, “Guddoomiyaha Maxkamadda Sare ayaa geestiisa soo dhaweeyay kor-u-qaadida is-kaashiga ay waddaagaan Jamhuuriyadda Somaliland iyo waddanka Denmark, waxaanu hoosta ka xariiqay in ay muhiim tahay in la balaadhiyo wada-shaqaynta ka dhexaysa labada dal, sidoo kalana lasoo celiyo tababaro caalami ah oo ay Denmark u fududayn jirtay garsoorka Somaliland”.

Safiirka Dalka Denmark oo shalay booqasho ku yimi Somaliland, waxa qasriga madaxtooyada ku qaabilay Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi oo ay ka wada-hadleen Arrimaha Doorashooyinka.

Denmark ayaa ka mid ah dalladda Saaxiibbada beesha Caalamka ee taageera doorashooyinka iyo nidaamka Dimuqraadiyadda ee Somaliland.

 

Somalilandpost.net

contact@somalilandpost.net

Advertisement