Hargeysa: Dowladda Hoose oo Shaacisay Shirkado ku Guulaystay Qandaraaskii u horreeyey oo loo tartamay

Hargeysa (SLpost)- Dawladda hoose ee Hargeysa, ayaa maanta shaacisay shirkadaha ku guulaystay Qandaraaskii ugu horreeyey ee ay soo bandhigto tan iyo intii ay xilalka la wareegeen maayarka iyo maayar-ku-xigeenka Cusub ee Golaha Deegaanka dhawaan la doortay.

Dowladda Hoose ee Hargeysa oo hore u naadisay qandaraaska Shidaalka ay isticmaalaan, ayaa waxa ku tartamay Lix shirkadood ama Kaalin-Shidaal oo ka dhisan caasimadda, kuwaas oo mid kasta la weydiiyey inay soo bandhigto Qiimaha ay shidaalka kaga iibinayso dowladda Hoose ee caasimadda.

Kulan maanta ku qabsoomay Xarunta Dowladda Hoose ee Hargeysa oo  ay goob-joog ka ahaayeen Maayar Cabdikariin Axmed Mooge, maayir ku xigeenka Hargeysa Khadar Nuur, xoghayaha dawladda hoose iyo guddida qandaarasyada Dawladda hoose , ayaa maanta si rasmi ah lagaga dhawaaqay Shirkadaha ku guulaystay inay siiyaan shiidaalka dawladda hoose ee Hargeysa.

Advertisement

Qandaraaska oo ay ku soo tartameen Lix kaalmaha Shidaalka Caasimadda ku yaalla, waxaa ku guuleystay labada kaalmood ee Somaliland Fuel Station iyo Cumar Xaashi Fuel Station, kuwaasoo lagu xushay inay noqdeen shirkadihii ugu qiimaha jabnaa.

Maayarka caasimadda Hargeysa Cabdikariin Axmed Mooge, maayir ku xigeenka dawladda hoose ee Hargeysa Khadar Nuur iyo xoghayaha dawladda hoose ee Hargeysa Siciid oo halkaas ka hadlay, ayaa sheegay in qandaarskani uu ahaa kii ugu horreeyay ee ay bixiyaan isla markaana ay si hufan oo caddaalad ah u kala saareen kaalmihii u soo tartamay.

Waxa ay masuuliyiinta Dowladda Hoose ballan-qaaday in hawlkasta oo ay qabanayaan ay nidaamka qandaraasyada loo tartamayo u soo bandhigi doonaan.

Somalilandpost.net

contact@somalilandpost.net

Follow us On