Hargeysa: Dowladaha Somaliland iyo Germany oo mashaariic Horumarineed ka wada hadlay

Hargeysa (SLpost)- Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay wakiilka gaarka ah ee Ra’iisal wasaaraha Jarmalka u qaabilsan dalalka Afrika, Ambassador Gunter Noote oo booqasho ku yimi Somaliland.

 8B7A13475

Madaxweynaha iyo wakiilka Ra’iisal wasaaraha dalka Jarmalka u qaabilsan waddamada Afrika, ayaa ka wada-hadlay arrimo door ah oo salka ku haya danaha labada waddan iyo mashaariicda horumarineed ee Jarmalku ka wado Somaliland, gaar ahaan dhinaca dhismaha  waddooyinka iyo Biyo ballaadhinta Caasimadda Somaliland oo ay dawladda Jarmalku kaalin weyn ku leedahay.

 8B7A13533

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, ayaa sidoo kale wakiilka Ra’iisal wasaaraha Jarmalka u qaabilsan waddamada Afrika uga mahadnaqay booqashada uu ku yimi Somaliland, waxana ay si qoto dheer uga doodeen xidhiidhka qotoda dheer ee u dhexeeya Jamhuuriyadda Somaliland iyo dalka Jarmalka.

Madaxweynaha waxa kulanka ku wehelinayey wasiirka wasaaradda horumarinta biyaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Saleebaan Yuusuf Cali-koore, wasiir-ku-xigeenka wasaaradda arrimaha dibadda iyo xidhiidhka caalamiga ah, Mudane Liibaan Yuusuf Cismaan, wakiilka Somaliland u qaabilsan urur-goboleedka IGAD iyo Midowga Afrika, Mudane Cabdilaahi Maxamed Ducaale iyo maareeyaha wakaallada Biyaha Hargeysa, Mudane Maxamed Cali Daarood.