Hargeysa: Degmada Maxamed Mooge Oo Isku Muujisay Xuskii 18 May

Hargeysa (SLpost) – Arbacadii Shalay, waxa guud ahaan Gobollada iyo degmooyinka dalka laga xusay 31 guurada Madax-banaanida Jamhuuriyadda Somaliland, taasi oo sannad walba la qabto 18-ka bisha May.

Caasimadda Somaliland ee Hargeysa, oo ah halka Xafladda ugu weyni ka dhacday, ayaa waxa door laxaadle ka qaatay Dabbaal-deggaasi Degmada Maxamed Mooge oo ka mid ah Degmooyinka Caasimadda Hargeysa.

Maamulka Dawladda hoose ee Degmada Maxamed Mooge oo qaban-qaabiyey ka qayb-qaadashada Degmadooda, ayaa Fagaaraha weyn ee lagu qabtay Xuska isla-markaana ay Gaardiska ku mareen Ciidammada kala duwan ee Qalabka sida, isla-markaana ay fadhiyeen Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Muuse Biixi Cabdi, Golaha Wasiirrada, Shir-guddoonnada Goleyaasha Wakiillada iyo Guurtida, Safiirrada dalalka Shisheeye u jooga Somaliland, Taliyeyaasha Ciidammada Somaliland iyo Wufuudda kale fadhiyeen, waxay Maamulka Degmada Maxamed Mooge ku soo bandhigeen Agabyo kala duwan oo muujinaya Ahmiyadda Xuska 18 May u leeyahay Qaranka Somaliland iyo Shacabkiisa.

Dadweyne tiro badan oo isugu jira Hooyooyin, dhallinyaro iyo Masuuliyiin ka mid ah Maamulka Degmada Maxamed Mooge, ayaa waxay Fagaaraha ku soo bandhigeen boodhadh waaweyn oo ku xardahn yihiin Hal ku-dhegyo muujinaya Qiimaha 18-ka May, agab dhaqameedka reer Somaliland, sida Wiilka Caanaha, Dhar-dhaqameed.

Degmadan oo loogu Magac-daray Alle ha u naxariistee Maxamed Mooge Liibaan oo ka mid ahaa Mujaahidiintii Jabhaddii SNM ee Taliskii Maxamed Siyaad Barre ka xorreeyay Somaliland, ayaa xafladda 31 guurada Madax-banaanida Somaliland ku xardhay Taariikhda iyo Xusuusta Qaranimada Somaliland, iyadoo ka mid noqotay Degmooyinkii sida wanaagsan uga dhex muuqday xuska 18 May ee Warbaahintii sida tooska ah u tebinayey Xafladdu in badan amaaneen doorkooda xuskaasi.

Degmada Maxamed Mooge ee magaalada Hargeysa, waxa ay kaga duwanayd degmooyinkii kale ee ka qyab-qaatay xuska 18 May, iyagoo soo bandhigay Aqal-Soomaali, Fardo, Muqmad, Agabka Hiddaha iyo Dhaqanka, Haween iyo dhalinyaro lagu carbiyey qaabka loo maro xuska munaasibadda 18 May iyo sawirrada Haldoorkii Somaliland soo maray qaarkood oo ay ka mid yihiin madaxweynayaashii hore ee Somaliland, Xaaji Cabdikariim (Cabdiwaraabe), Edna Aadan Ismaaciil, Abwaan Maxamed Xaashi Dhamac (Gaarriye), Suldaan Maxamed Suldaan Faarax iyo Suldaan Maxamed Cabdiqaadir.