HARGEYSA: Dadweyne Biyo La’aan Daran Ka Cawday, Kuna Eedeeyay Maamulka Wakaaladda

 

Hargeysa(SLpost)- Dadweynaha xaafadda gacanta ee degmada Maxamuud Haybe ayaa si qiiro leh saxaafadda ugu waramay islamarkaana ka cawday in biyo la’aan baahsan oo ay wakaaladda biyuhu hakratay ay ka jirto xaafaddaas.

Dadweynahan oo waayeel u badnaa ayaa waxa ay xuseen in biyaha wakaaladdu ay u soo dhici jireen afartii habeenba habeen, laakiin imika si badheedh ah ay wakaaladdu uga goysay, waxa kale oo ay masuuliyad darradaa ku eedeeyeen maareeyaha wakaaladda biyaha Hargeysa.

Badi magaalada Hargeysa ayaan habayaraatee wax biyo ah ka helin wakaaladda biyaha, iyada oo loo sii kala daran yahay. Wakaaladda biyaha ayaa markii la sameeyay waxa loogu talagalay in ay waraabiso ku dhawaad todobaatan kun oo qof, halka ay imikana Hargeysa ku nool yihiin qiyaas ahaan hal milyan iyo laba boqol oo kun oo qof.

 

 

Halkan ka Daawo Cabashada Dadweynahaas oo Qiiro kugu Reebi Doonta: