Hargeysa: Daba-gal iyo Baadhitaanno lagu sameeyey Kaalmaha Shidaalka

Hargeysa (SLpost)- Wasaaradda Ganacsiga iyo Wershadaha Somaliland, ayaa hawl-gal ay ugu kuur-galayso qiimaha shidaalka ka fulisay Kaalmaha Shidaalka ee magaalada Hargeysa si ay u xaqiijiso inay u hoggaansameen go’aan wasaaraddu qiimo go’an ugu jaan-goysay iibka noocyada shidaalka.

Wasiirka Wasaaradda Ganacsiga, Wershadaha iyo Dalxiiska Somaliland Maxamed Xasan Sacad Saajin, ayaa wareegto uu soo saaray toddobaadkan waxa uu qiimo go’an ku jaan-gooyey in ganactada tafaariiqda ku iibisa Shidaalku ay 5,600SLSH ku iibiyaan Litirka Baatroolka ah halka Qiimaha Litirka Naaftada ah uu ka dhigay 5,200SLSH.

Hawl-wadeenno ka socda Waaxda Daba-galka Liisamada iyo Qiimaha Maceeshada ee Wasaaradda Ganacsiga oo u kuur-galaya iibka Shidaalka, ayaa kormeer ku tagay qaar ka mid ah Kaalmaha Shidaalka lagu iibiyo ee magaalada Hargeysa, iyagoo baadhitaan ay ku xaqiijinayaan la dul-tagay Bamamka Shidaalka laga shubo iyo tirsiga Qiimaha ku qoran ee ay ku iibinayaan.

Hawl-galka oo uu hormuud ka ahaa Isuduwaha Wasaaradda ee Gobolka Maroodijeex, ayaa maanta laga fuliyey dhamaan Degmooyinka Caasimadda Hargeysa, waxaanay xaqiijiyeen in inta badan Kaalmaha shidaalka ee ay kormeereen ay u hoggaansameen go’aankii ay wasaaraddu soo saartay, balse ay jiraan meherado tiradoodu kooban tahay oo shidaalka ku iibinayay qiimo wax yar ka sarreeye Qiimihii loo jaan-gooyey iibka Shidaalka.

Sida uu sheegay Isu-duwaha Wasaaradda ee gobolka Maroodijeex, meherada ay ogaadeen inaanay go’aanka wasaaradda u hoggaansamin, ayaa markiiba amar lagu siiyey inay u hoggaansamaan go’aanka xukuumadda, qiimahana ay ku fadhiisiyaan inta loo cayimay.

Wareegtada uu wasiirka Ganacsigu ku jaan-gooyey Qiimaha shidaalka, ayaa loo muddeeyey inay shaqayso muddo hal bil ah laga soo bilaabay 28-kii March 2021 oo wareegtadu soo baxday.

Somalilandpost.net

contact@somalilandpost.net